Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Real Madrid Oo Horyaalka Talyaaniga Ka Heshay Beddelka Eden Hazard Iyo Marco Asensio

by Abdiwahab Ahmed
January 9, 2023
0
Real Madrid Oo Horyaalka Talyaaniga Ka Heshay Beddelka Eden Hazard Iyo Marco Asensio

Koxoda kubadda cagta Real Madrid ayaa beddelka labadeeda ciyaartoy ee Eden Hazard iyo Marco Asensio waxayka heshay horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A, waxaanay hadda diyaar u tahay inay aqbasho in labadan xiddig iska baxaan bishan January.

ADVERTISEMENT

Real Madrid ayuu qorshaheedu yahay inay heshiis cusub ka saxeexdo Marco Asensio oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, laakiin haddii wada-hadalladu ay guuleysan waayaan labada usbuuc ee soo socda, waxay Los Blancos suuqa dhigi doontaa xiddigan reer Spain.

Sidoo kale, waxay Real Madrid khaati ka taagan tahay Eden Hazard oo ay diyaar u yihiin in ay fasaxaan xagaagan, maadaama uu qaab ciyaareedkiisu aad u liito, isla markaana ka rajo dhigay tababare Carlo Ancelotti.

Los Blancos ayaa waxay dhinaca kale raadinaysaa ciyaartoygii u beddeli lahaa Hazard iyo Asensio haddii ay baxaan bishan January, waxaana la sheegay in Carlo Ancelotti uu ishaaqsaday, isla markaana doonayo inuu Santiago Bernabeu keeno xiddiga kooxda AS Roma ee Nocolo Zaniola.

ADVERTISEMENT

23 jirkan oo sannadkii 2018 ay Roma £4 milyan oo kaliya kagala soo wareegtay Inter Milan ayaa bandhig heersare ah ka sameeyey horyaalka Serie A, isaga oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga da’yarka ee sannadka ee horyaalka Talyaaniga.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

Xiddigan oo lugta bidix adeegsada ayaa xulka qaranka Talyaaniga u saftay 11 kulan, waxaana hadda la sheegayaa inuu doonayo inuu ka ciyaaro tartanka Champions League, taas oo soo yaraynaya fursaddii ay Roma ka  qabtay inuu sii joogo.

Sida uu qoray wargeyska Defensa Central, Real Madrid ayaa u dhaqaaqi doonta saxeexa Zaniolo oo dhawr boos oo kala duwan ka ciyaara, waxaana uu noqon karaa hal ciyaartoy oo buuxin karaya boosaska ay bannaynayaan Eden Hazard iyo Asensio.

Inkasta oo aan wali la  ogaanin lacagta ay Real Madrid ku doonayso Zaniola, haddana laacibkan ayaa 127 kulan oo uu u saftay Roma waxa uu u dhaliyey 24 gool iyo 18 caawimood.

ADVERTISEMENT
Share295Tweet184
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.