Kooxda Real Madrid ayaa iska xaadirisay wareega 8 Dhamaadka koobka Copa del Rey-ga kadib markii ay guul soo laabasho leh ka gaadhee Kooxda Villarreal.
Real Madrid ayaa ciyaarta ku bilaabatay si xun waxana ay Ku dhibaatoodeen in ay iska caabiyaan kooxda Villarreal oo soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.
Villarreal aya wax walba kaga fiicnayd Real Madrid kuwaas oo ay ka muuqatay in ayna dhaafi karin daafaca kooxda Villarreal kuwaas oo si fiican u difaacanayay goolkooda.
Daqiiqadii 4-aad ayay Villarreal dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana gool u dhaliyay xiddiga Etienne Capoue kaas oo ciyaarta hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Kooxda Villarreal ayaa sii waday samaynta fursadaha xilli ay Real Madrid ku dhibaatoonayso in ay madaxa kor u qaado.
Daqiiqadii 42-aad ayay Villarreal dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Samuel Chukwaueze kaas oo hogaanka u dhereeyay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 2/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Villarreal fiicantahay kana awood badantahay kooxda Real Madrid.
Qaybta dambe ayay Real Madrid si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta ugu soo laabtaan.
Daqiiqadii 57-aad ayay Real dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Vini Jr kaas oo rajo galiyay kooxdiisa.
Los Blancos ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayaan in ay ku dhaliyaan goolal ay ciyaarta ugu soo laabtaan kuna dhaliyaan goolka bar-baraha.
Daqiiqadii 69-aad ayay Real madrid dhalisay goolka bar-baraha ahna midka 2-aad waxa u dhaliyay xiddiga Eder Militao kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.
Real Madrid ayaan halkaas ku joogsan waxana ay raadinayeen goolal kale xilli ay Villarreal dhinaceeda qaadaysay weeraro halis galinaya daafaca Real Madrid.
Daqiiqadii 86-aad ayay Real madrid dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Dani Ceballos kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 3/2.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid iska xaadirisay wareega 8 Dhamaadka koobka Copa Del Rey-ga kuna soo laabatay wadada guulaha.