Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa in ay go’aansatay in ay iskaga hadho raadinta gool-dhaliyaha Manchester City ee Erling Haaland oo hore ay u qorsheeyeen in sannadka 2024 ay kasoo xoogaan City iyaga oo bixinaya lacag dhan £175 milyan oo Gini oo lagu burburin karayo qandaraaskiisa Etihad Stadium.
Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa waxa uu go’aamiyey in ay kooxdiisu la saxeexato laacibka da’da yar ee reer Brazil ee Endrick oo 16 jir ah, isla markaana ah dhaliye cajiib ah sida Erling Haaland oo kale.
Laacibkan reer Brazil ee u ciyaara Palmeiras ayay Real Madrid hoggaanka u qabatay tartanka loogu jiro, waxaanay Los Blancos isku diyaarinaysaa inay bixiso lacagta lagu burburin karayo qandaraaskiisa Palmeiras oo ah 60 milyan oo Euro.
Wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyey in Real Madrid ay hoggaanka u qabatay tartanka loogu jiro Endrick oo ay kaga horreyso kooxaha Manchester United, Chelsea, Liverpool, Arsenal iyo PSG oo dhamaantood doonaya, sidoo kalena ay tartanka ku jirto Barcelona inkasta oo aanay wali dalab rasmi ah gudbinin iyadoo Xavi Hernandez uu la hadlay laacibkan.
Endrick oo laba bilood iyo badh ka hor kulankiisii koowaad ee kooxda koowaad ee Palmeiras ah saftay, ayaa waxa uu illaa hadda dhaliyey saddex gool toddoba ciyaarood oo uu saftay, waxaana cajiib ah heerkiisa gool-dhalinta iyo tayadiisa kale ee ciyaareed.
Wargeyska Daily Mirror ayaa sheegay, in wakiillada Endrick ay ku wargeliyeen Real Madrid in ay ka mid tahay kooxaha uu laacibkani doonayo, taas beddelkeedana ay isaga la saxeexdaan halkii ay Erling Haaland lacag badan ku kharash garayn lahaayeen iyaga oo waliba sannad iyobadh sugaya.