Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Real Madrid Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Xiddiga Amaahda Ugu Yimid Ee Vinicius Tobias

by Abdiwahab Ahmed
December 15, 2022
0
Real Madrid Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Xiddiga Amaahda Ugu Yimid Ee Vinicius Tobias

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa si buuxda ula wareegi doonta xiddiga da’da yar ee reer Brazil ee amaahda kula  joogay ee Vinicius Tobias, waxaanay bixin doontaa lacagtii lagu xidhay markii uu da’yarkani uga soo wareegay Shakhtar Donetski.

ADVERTISEMENT

Vinicius Tobias oo ka ciyaara difaaca midig ayay da’diisu tahay 18 jir, waxaana uu xilli ciyaareedkan ka tirsanaa kooxda da’yarta Real Madrid ee Castilla oo uu bandhig heersare ah ka samaynayay, iyadoo uu gacanta ku hayay Raul Gonzalez oo ah tababaraha da’yarta Los Blancos.

Laacibkan reer Brazil ayaa markii ay Real Madrid  kala soo wareegaysay Shakhtar waxay isla qaateen in haddii ay kooxda  Spain ku qanacdo da’yarkan, in ay si buuxda ugula wareegi karto 10 milyan oo Euro, taas oo hadda uu Florentino Perez aqbalay inuu bixiyo.

Carlo Ancelotti ayaa  doonaya in Vinicius Tobias uu usoo dallacsiiyo kooxda koowaad marka ay baasaboorka Spain qaataan ciyaartoyda ajaanibka  ah ee hadda ka buuxinaya liiska xiddigaha aan midowga Yurub ka tirsanayn ee loo ogol yahay inay horyaalka LaLiga ka ciyaaraan.

ADVERTISEMENT

Dani Carvajal oo muddooyinkii dambe ay dhaawacyo daashadeen iyo lucas Vazquez ayaa ah labada ciyaartoy ee Real Madrid uga ciyaara difaaca midig, waxaase sii weynaanaysa da’dooda taas oo keenaysa in ay diyaarsadaan beddelkooda.

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

January 28, 2023
Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

January 28, 2023

Vinicius Tobias oo Real Madrid usoo wareegaymarkii uu bilaabmay duullaanka Ruushku ku qaaday Ukraine, ayaa waxa uu heshiiskiisa amaahdu soconayaa illaa June 30, 2014, waqtigaas ayaanay Real Madrid si buuxda ula wareegi doontaa, iyadoo inta kalena uu amaah ahaan ugu sii ciyaari doono.

ADVERTISEMENT
Share312Tweet195
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Christophe Galtier ayaa ka hadlay markale kabtanada kooxdiisa iyadoo dhawaan si qaldan loo qaatay hadal...

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

AC Milan ayaa iskaga baxday tartanka saxeexa Nico Zaniolo oo Roma ka tirsan. (Corriere dello Sport) Newcastle ayaa Everton 45...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.