Cristiano Ronaldo ayaa dalab xilli ciyaareedkii 150 Milyan oo pound ah ka helay kooxda ree Saudi Arabia ee Al Nassr kaddib markii laga diray Manchester United. (Telegraph – subscription)
Ronaldo wali wuxuu doonayaa inuu Champions League ka ciyaaro kaddib dalabka uu ka helay Al-Nassr. (Sun)
Manchester United ayaa xidhiidh la samaysay wakiilada 23 sano jirka PSV iyo xulka Holland ee Cody Gakpo . (Fabrizio Romano)
Manchester United ayaa dhaqan gelin doonta qodobka dhigaya inay sanad kale kordhiso heshiiska Marcus Rashford si ay uga hor istaagto sharciga u ogolaanaya inuu kooxaha kale wadahadalo lasii galo. (Mirror)
Real Madrid ayaa koobka aduunka ku indho indhaynaysa xiddiga Man United ee Bruno Fernandes. (Record – in Portuguese)
Tottenham ayay tahay inay 30 Milyan oo euro bixiso si ay Denzel Dumfries ugala wareegto Inter Milan. (Football Italia)
Brighton khadkeeda dhexe ee Billy Gilmour wuxuu January amaah ugu biiri karaa Villarreal. (Times – subscription)
Barcelona kabtankeeda Sergio Busquets ayaa xiisaynaya inuu Inter Miami ku biiro marka heshiiskiisa kooxdu dhaco xagaaga dambe. (Mirror)
Juventus ayaa xiisaynaysa daafaca dhexe ee RB Leipzig ee Josko Gvardiol balse Chelsea ayaa ugu cad cad inay hesho. (Gazzetta dello Sport – in Italian)
Los Angeles xiddigeeda Gareth Bale oo 33 sano jir ah ayaa go’aan ka gaadhi doona mustaqbalkiisa bisha February kaddib markii uu sheegay inuu doonayo inuu usii ciyaaro Wales. (Mirror)
Liverpool ayaa bedelka Julian Ward uga bedelaya booska agaasimaha ciyaaraha kooxdeeda u dooratay Sven Mislintat oo Arsenal ka tirsan balse Borussia Dortmund kula soo shaqeeyay Borussia Dortmund. (Sky Sports Germany)
Franck Kessie oo xagaagii Barcelona ku biiray ayuu wakiilkiisu meesha ka saaray in ciyaaryahanku ku laabto horyaalka Serie A. (Calciomercato – in Italian)
Manchester United ayaa Arsenal kula biirtay tartanka 15 sano jirka daafaca Jack Wylie oo ka tirsan kooxda Rangers. (Mirror)
Barcelona agaasimaheeda ciyaaraha ee Jordi Cruyff ayaa sheegay inay mudo dheer isha ku hayeen xiddiga Ajax iyo Ghana ee Mohammed Kudus. (Fabrizio Romano)