Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Real Madrid Oo Beddelka Toni Kroos Ka Heshay Horyaalka Premier League

by Abdiwahab Ahmed
November 25, 2022
0
Carlo Ancelotti Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday Kooxdiisana Ka Caydhinaya Xiddig Aanu Kalsooni Ku Qabin

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa diyaar u ah inay qasnaddeeda u jabiso xiddig ka ciyaara horyaalka Premier League oo ay doonayaan inay ku beddelaan kubbad-sameeyaha reer Germany ee Toni Kroos oo mustaqbalkiisa shaki weyni ku jiro, isla markaana la sheegayo inay suurtogal tahay inuu ka fadhiisto kubadda cagta.

ADVERTISEMENT

Real Madrid ayaa isku dayaysa inay ku qanciso Toni Kroos in uu heshiis cusub saxeexo oo uu kusii jiro kubadda cagta, laakiin laacibkan oo hore uga fadhiistay xulka qarankiisa ayaa illaa hadda ku adkaysanaya in aanu go’aan gaadhin.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa la sheegay inuu haddaba sii bilaabay raadinta ciayartoygii u beddeli lahaa Toni Kroos haddii uu ku adkaysto inuu ciyaaraha ka fadhiisto, waxaana uu calaamadsaday xiddiga khadka dhexe uga ciyaara West Ham iyo England ee Declan Rice.

23 jirkan oo lagu qiimeeyey £150 milyan oo Gini, ayaa kooxdiisa West Ham kula jira heshiis soconaya illaa June 2024, kaas oo waliba uu la socdo dookh ah inay kordhin karaan 12 bilood oo kale oo dheeraad ah marka uu waqtigaas dhamaysto.

ADVERTISEMENT

Kooxo badan oo horyaalka Premier League ayaa sidoo kale doonaya Declan Rice, sida Liverpool, Chelsea, Manchester United iyo Manchester City, hase yeeshee tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa la sheegay inuu si gaar ah u dalbaday laacibkan, sida uu qoray wargeyska El Nacional.

Sidoo Kale Akhri

Klopp

WAR CUSUB: Liverpool Oo Heshay Tababaraha U Bedelaya Jurgen Klopp Mana Aha Steven Gerrard

January 30, 2023
DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023

Real Madrid oo xagaagii uu ka tegay Casemiro oo u wareegay Manchester United ayaa waxay beddelkiisa usoo iibsatay Aurelien Tchouamni, hase yeeshee Luka Modric ayaa 37 jir ah oo sii gaboobaya, halka Toni Kroos uu mustaqbalkiisu laalan yahay.

ADVERTISEMENT
Share330Tweet207
ADVERTISEMENT

Related Posts

Klopp

WAR CUSUB: Liverpool Oo Heshay Tababaraha U Bedelaya Jurgen Klopp Mana Aha Steven Gerrard

by Apdihakem Omer Adam
January 30, 2023
0

Liverpool ayay warar cusubi sheegayaan inay dooratay bedelka tababaraha kooxdeeda ee Jurgen Klopp ay mustaqbalka ku bedeli karto haddiiba ay...

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.