Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ka heshay xiddigii u beddeli lahaa ruug-caddagooda khadka dhexe ee Luka Modric oo ay da’diisu sii weynaanayso isla markaana kulamadii ugu dambeeyey laga dareemayay hoos u dhac.
Modric oo 37 jir ah ayaa waxa uu muddo toban sannadood ah ku sugnaa Santiago Bernabeu balse hadda waxa muuqata in ay saamayn dhab ah ku yeelatay da’du, intii laga soo noqday Koobka Adduunkana uu aad u liitay.
Sida uu qoray wargeyska Fichajes, Los Blancos ayaa waxay qarka u saaran tahay in ay heshiis cusub oo sannad ah ka saxeexdo Luka Modric iyaga oo dhinaca kalena diyaarsanaya ciyaartoygii u beddeli lahaa.
Warka ayaa intaa ku daray, in Real Madrid ay calmatay Andre Almeida oo u ciyaara Valencia oo ay doonayaan in ay la saxeexdaan xagaaga si uu xilli-ciyaareedka dambe uga sii garab dheelo Modric amaba la iskugu beddelo oo loogu diyaariyo inuu ka dhaxlo booskiisa.
22 jirkan ayaa 13 kulan oo horyaalka ah u saftay Valencia xilli ciyaareedkan, waxaanu u dhaliyey laba gool iyo laba kale oo uu caawiye ka noqday.
Valencia oo dhaqaale xumo ka cabanaysay sannadihii ugu dambeeyey ayaan la ogeyn waxa ay ka yeeli doonto dalabka Real Madrid ka gudbinayso kubbad-sameeyaheedan, hase yeeshee waxay heli doonaan faa’iido weyn haddii ay iibiyaan sababtoo ah Andre Almeida ayaa kaliya ku jooga €8 milyan oo Gini oo ay xagaagii sannadkii hore kagala soo wareegeen Vit. Guimares.