Kooxaha tartanka ugu badan ugu jira saxeexa Jude Bellingham ee Liverpool iyo Real Madrid ayaa daboolka laga qaaday mida uu sida gaarka ah u doonayo isla ciyaartoygaasi.
Jude ayaa Koobka aduunka ee Qatar ka socda kusoo muujiyay markale awoodiisa ciyaareed, marka laga yimaado in xulkiisa England wareega siddeed dhammaadka ku hadhay ayuu haddana u tartami doonaa abaalmarinta da’yarka Koobkaas.
Liverpool Real Madrid, Manchester City, Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich ayaa dhammaantood hoosta ka calaamadsan doona bandhigyadii Jude ee Koobka aduunka.
Si kastaba, wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegaya inay tahay Liverpool kooxda uu muhiimka u yahay Bellingham inta ugu badan maadaama oo ay tahay kooxda isagu shaqsiyan doonayo inuu ku biiro.
Bellingham ayaa mudo dheer bartilmaameed u ahaa Liverpool xilli macalin Jurgen Klopp u arko 19 sano jirkaas xalka ugu haboon ee khadkiisa dhexe.
Liverpool ayay sidoo kale jirtaa suurogalnimo ay saxeex kale oo khad dhexe ku samayn karto suuqa January ee soo socda kahor inta aysan waysada u biyaysan Bellingham xagaaga dambe.
Da’yarkii hore ee Birmingham City ayaa la filayaa in kooxdiisa Borussia Dortmund lacag 150 Milyan oo euro ah iibkiisa ku dalbato taas oo ah lacag deyrin karta dhammaan kooxaha xiisaynaya.