Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Ligue 1

RASMI: Xiddigii Ku Guuleystay Kabta Dahabka Ah Ee Sannadkii 2022 Oo La Shaaciyey

by Abdiwahab Ahmed
January 1, 2023
0
RASMI: Xiddigii Ku Guuleystay Kabta Dahabka Ah Ee Sannadkii 2022  Oo La Shaaciyey

Weeraryahanka xulka qaranka Faransiiska iyo kooxda PSG ee Kylian Mbappe oo 24 jir ah ayaa noqday ciyaartoygii ugu goolasha badnaa shanta horyaal ee waaweyn ee Yurub sannadkii hore ee dhamaaday ee 2022, isaga oo kooxdiisa iyo xulkiisa u dhaliyey goolal aanay jirin cid kala sinnayd.

ADVERTISEMENT

Mbappe ayaa 54 gool dhaliyey sannadkii dhamaaday oo uu ciyaaray 56 kulan, waxaana uu sidaas ku noqday ciyaartoyga goolasha ugu badan ka dhaliyey shanta horyaal ee waaweyn ee Yurub ee Premier League, La Liga, Ligue 1, Serie A iyo Bundesliga.

Kooxdiisa PSG ayuu u saxeexay 44 gool 43 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay, kuwaas oo 32 ka mid ah ay ahaayeen horyaalka Ligue 1. Xilli ciyaareedkii 2021/22, ayuu ahaa laacibkii ugu goolasha badnaa horyaalka dalkaas.

Mbappe Kylian

ADVERTISEMENT

44ka gool ee uu kooxdiisa PSG u dhaliyey ayaa waxa u raacay 12 gool oo kale oo uu sannadkii 2022 u dhaliyey xulka qarankiisa Faransiiska oo uu 13 ciyaarood u dheelay, kuwaas oo siddeed ka  mid ah uu ka dhaliyey Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Qatar ee uu ku guuleystay Kabta dahabka ah, isaga oo saddexlay ka dhaliyey finalkii uu Faransiisku rikoodheyaasha kaga qaaday Koobka.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023

Marka laga yimaaddo guulaha shaqsiga ah, Mbappe waxa uu sannadkii tegay kooxdiisa kula guuleystay horyaalka Ligue 1, balse waxa uu niyad-jab kaga baxay Champions League iyo Coupe de France ka hor intii aanu Koobkii Adduunkana ku guul-darraysan oo finalkii ay Argentina rikoodheyaal ku garaacday.

ADVERTISEMENT
Share376Tweet235
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.