Carlo Ancelotti ayaa shaaciyey liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka adag ee Axadda ay martida u noqonayaan Athletic Bilbao oo ay ku booqan doonaan San Mames, taas oo ay u baahan yihiin inay guul ka keenaan si ay ugu soo laabtaan jidka guusha ee ciyaartii ugu dambaysa horyaalka LaLiga ay Villarreal ku garaacday 2-1.
Real Madrid oo sidoo kale ay Khamiista toddobaadkan sugayso Atletico Madrid oo ay wareegga siddeeda Copa del Rey isku dhaceen, ayaa waxay halgan adag u geli doontaa sidii ay saddexda dhibcood uga qaadan lahayd Athletic Bilbao.
Los Blancos oo sidoo kale ay kasii dhax-guurayso guul-darradii iyo xasuuqii ay Barcelona ugu geysatay finalkii Spanish Supercup, ayaa waxa wali ka maqan laacibka khadka dhexe ee Aurelien Tchouameni iyo sidoo kale David Alaba oo aan kasoo kabanin dhaawacyo haleelay.
Dani Ceballos iyo Marco Asensio oo bandhig heersare ah ka sameeyey ciyaartii Villarreal ee Copa del Rey ee ay ugu soo gudbeen wareegga siddeedda, ayaa waxa kale oo liiska kooxda kula soo baxay Luka Modric oo ka maqnaa kulankii ugu dambeeyey.
Liiska ciyaartoyda Real Madrid oo dhamaystiran
Goolhayeyaal: Thibaut Courtois, Andiy Lunin, Luis López.
Difaacyahanno: Eder Militão, Jesus Vallejo, Nacho Fernandez, Alvaro Odriozola, Antonio Rüdiger, Ferland Mendy.
Khadka Dhexe: Toni Kroos, Luka Modrić, Eduardo Camavinga, Federico Valverde, Dani Ceballos.
Weerarka: Karim Benzema, Marco Asensio, Vinicius Junior, Rodrygo Goes, Mariano Diaz.