Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

RASMI: Xiddigaha Manchester United Ee Kulanka Arsenal Oo La Shaaciyey Iyo Labada Ciyaartoy Ee Maqan

by Abdiwahab Ahmed
January 21, 2023
0
RASMI: Xiddigaha Manchester United Ee Kulanka Arsenal Oo La Shaaciyey Iyo Labada Ciyaartoy Ee Maqan

Erik ten Hag ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda Manchester United ee kulanka adag ee Axadda ay martida u noqonayaan Arsenal oo ay ku booqanayaan Emirates Stadium, iyadoo maanta gellinkii dambe ay u xidh-xidheen safarka ay ku tegayaan magaalada London.

ADVERTISEMENT

Anthony Martial iyo Diogo Dalot ayaa ka maqan liiska ciyaartoyda Manchester United ee tareenka ugu safray magaalada London, iyadoo maxaddada tareenka lagu arkay dhamaan ciyaartoyda kale ee kooxda.

Weeraryahanka reer France ee Anthony Martial oo dhaawac kaga baxay waqtigii nasashada kulankii Manchester City ay 2-1 kusoo garaaceen toddobaadkii hore, ayaa hore uga maqnaa ciyaartii Crystal Palace.

Erik ten Hag ayaa weerarka dhexe u isticmaali doona Wout Weghorst oo ay u noqon doonto ciyaartii labaad ee xidhiidh ah ee uu ugu soo bilowdo United oo uu toddobaadkii hore uga soo wareegay kooxda reer Turkey ee Besiktas.

ADVERTISEMENT

Waxa kale oo isaguna dhaawac muruqa ah ku maqan daafaca midig ee reer Portugal ee Diogo Dalot, taas oo fursad u noqonaysa Aan Wan-Bissaka oo bandhig heersare ah ka sameeyey ciyaartii Crystal Palace oo uu xakeemeeyey Wilfied Zaha.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023

Dhinaca kale, Jadon Sancho ayaa sidoo kale aan ka mid noqonin xiddigaha u safray United inkasta oo uu toddobaadkii hore  kusoo laabtay tababarka kooxdiisa oo uu ka maqnaa muddo dheer.

Manchester United ayaa waxa kale oo ka maqnaanaya xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ee Casemiro oo kaadh digniin ah qaatay ciyaartii Crystal Palace, waxaana uu midkood beddeli doonaa Fred iyo Scott McTominay. Lisandro Martinez ayaa sidoo kale ka dheeli kara khadka  dhexe oo uu kubbad-burburiye ka noqon karo, iyadoo booskaas uu 22 ciyaarood uga dheelay kooxdiisii hore ee Ajax.

Halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda Manchester United ee kulanka Arsenal

De Gea, Heaton, Butland, Wan-Bissaka, Varane, Martinez, Lindelof, Maguire, Shaw, Malacia, McTominay, Mainoo, Fred, Eriksen, Fernandes, Elanga, Antony, Pellistri, Garnacho, Rashford, Weghorst.

ADVERTISEMENT
Share571Tweet357
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.