RASMI: Xiddigaha Manchester United Ee Europa League Ee La Shaaciyey – Marcus Rashford Iyo Afarta Ciyaartoy Ee Laga Reebay

Tababaraha Manchester United ayaa soo saaray liiska xiddigaha kooxdiisa ee safarka ciyaareed ugu tegay FC Sheriff oo ay Khamiista isku haleelayaan kulan ka tirsan Europa League oo ka dhacaya waddanka Moldova, waxaana uu ka tegay shan ciyaartoy oo uu ka saaray liiskiisa.

Difaaca bidix ee reer England ee Luke Shaw ayaa lagu soo daray liiska kooxda kaddib dhaawac fudud oo uu saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ku maqnaa, hase yeeshee Donny van de Beek iyo Marcus Rashford ayaa ka mid noqday laacibiinta shanta ah ee uu tababare Erik ten Hag ka saaray liiskiisa.

Ciyaartoydan oo seegay tababarkii subaxnimadii Arbacada maanta ayaa uu tababaruhu go’aamiyey in aanay qayb ka noqonin safarka ciyaartoyda kooxdiisu ku tegayaan Moldova, waxaana maqnaanshaha ku wehelinaya Aaron Wan-Bissaka oo dhamaantood ay qabaan dhaawacyo fudud.

Advertisements

Waxa kale oo kulankan ka maqan Anthony Martial oo wali dhaawac muruqa ah u jiifa  iyo sidoo kale goolhaye Martin Dubravka oo ahaa ciyaartoygii ugu dambeeyey ee Manchester United ay la saxeexato, waxaana beddelkiisa lagu soo daray liiska kooxda goolhaye Radek Vitek oo da’yarta kooxda ka tirsan.

Ten Hag ayaa sidoo kale u yeedhay difaaca midig ee Marc Jurado oo 18 jir ah, isla markaana tababarkii subaxnimadii saaka qayb ka qaatay, hase yeeshee waqti dambe ayaa la go’aamiyey in aanu ula duulin kooxda Chisinau oo ay gellinka dambe diyaaradda u qaadanayaan.

Tababaraha ayaa kusoo daray liiska kooxdiisa ciyaartoyda da’yarta ah ee Zidane Izbal, Garnacho, iyo McNeill.

Liiska ciyaartoyda Manchester United ee u safraya Moldova

De Gea, Heaton, Vitek, Dalot, Lindelof, Maguire, Martinez, Varane, Malacia, Shaw, Fernandes, Eriksen, Fred, Casemiro, McTominay, Iqbal, Ronaldo, Antony, Sancho, Elanga, Garnacho, McNeill

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada