Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dib ugu soo laabanaysa garoomaada kaddib 39 maalmood oo ay kaga maqnayd fasaxa kulamada caalamiga ahaa ee Koobka Adduunka, waxaanay soo laabashadeeda ku furanaysaa safar ay ugu tegayso Manchester City oo garoonka Etihad Stadium ay ku dagaallami doonaan.
Liverpool ayay foodda is-dari doonaan Man City wareegga shanaad ee tartanka FA Cup, waxaana soo gudbi doonta oo wareegga siddeedda tegi doonta midkood, halka kooxda kalena ay tartanka macasalaamayn doonto.
Carabao Cup oo ay Liverpool ku guuleysatay xilli ciyaareedkii hore, ayaa uu Jurgen Klopp doonayaa in uu difaacdo, balse waxa liiska ciyaartoydiisa ee kulankan ka maqan dhawr ciyaartoy oo dhaawac iyo daalkii Koobka Adduunka aan wali kasoo noqonin.
Ku dhowaad lix usbuuc ka hor ayay Liverpool dheeshay ciyaarteedii ugu dambaysay oo ay 3-1 ku garaacday Southampton oo Anfield kusoo booqatay, waxaanay saddexdaa dhibcood siiyeen inay sare ugu soo dallacedo kaalinta toddobaad ee miiska kala-sarraynta.
Ka hor kulanka City ee caawa, Reds ayaa soo ciyaartay kulan saaxiibtinimo oo ay ku karbaashtay AC Milan oo ay isku ballansadeen magaalada Dubai.
Jurgen Klopp oo soo saaray liiska ciyaartoydiisa ayaa waxa sida uu wargeyska Liverpool Echo oo daabacay liiskan uu sheegay in Ibrahima Konate uu muddo sii maqnaan doono, sidoo kalena Jordan Henderson, Alisson Becker iyo Virgil van Dijk la nasinayo oo aanay ku jirin liiska. Trent Alexander-Arnold iyo Fabinho ayaa soo laabtay balse laguma soo darin liiska, waana la nasin doonaa, sidoo kalena Darwin Nunez ayaan waqti iska lumin oo isla markii uu xulkiisa Uruguay kaga hadhay Koobka Adduunka wareeggii Group-yada, waxa uu iska xaadiriyey garoonka tababarka Liverpool.
Warka farxadda leh ayaa waxa uu yahay in Naby Keita uu kasoo kabtay dhaawacii uu muddada ku maqnaa, waxaanu diyaar u yahay kulankan. Sidoo kale, Thiago Alcantara, James Milner, Alex Oxlader-Chamberlain, Harvey Alliott, Mohamed Salah iyo Roberto Firmino oo dhamaantood aan tegin Koobka Adduunka ayaa iyaguna diyaar u ah kulankan.
Halkan kaga bogo liiska xiddigaha Liverpool ee kulankaa Man City ee caawa
Goolhayeyaal: Adrian, Caoimhin Kelleher.
Difaacyahanno: Andy Robertson, Joe Gomez, Joel Matip, Kostas Tsimikas, Nat Phillips, Calvin Ramsay.
Khadka Dhexe : Alex Oxlade-Chamberlain, Fabio Carvalho, Harvey Elliott, James Milner, Thiago Alcantara, Curtis Jones, Naby Keita, Stefan Bajcetic.
Weerarka: Darwin Nunez, Mohamed Salah, Roberto Firmino, Bobby Clark, Ben Doak.
Ciyaartoyda maqan: Alisson (waa la naasinayaa), Trent Alexander-Arnold (waa la naasinayaa), Virgil van Dijk (waa la naasinayaa), Ibrahima Konate (waa la naasinayaa), Fabinho (waa la naasinayaa), Jordan Henderson (waa la naasinayaa), Arthur Melo (dhaawac), Luis Diaz (dhaawac), Diogo Jota (dhaawac).