Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

RASMI: Van Gaal Oo Ciyaaraha Ka Fariistay Islamarkaana Diiday In Argentina Ay Ka Badisay Xulkiisa Holland Maanta:

by Saed Mohamed
December 10, 2022
0
RASMI: Van Gaal Oo Ciyaaraha Ka Fariistay Islamarkaana Diiday In Argentina Ay Ka Badisay Xulkiisa Holland Maanta:

Tababaraha Netherlands Louis van Gaal ayaa xaqiijiyay in guuldaradii xulkiisa soo gaartay maanta inay aheyd kulankii ugu dambeeyay ee xirfadiisa tababarenimo inkastoo uu carabka ku adkeeyay in maanta aan laga badinin xulkiisa.

ADVERTISEMENT

Van Gaal ayaa howlgabnimada ka soo laabtay si uu mar seddexaad taababare ugu noqdo Holland, laakiin haatan waa 71 jir wuxuuna dhawaan la tacaalayay cudurka kansarka

Si la mid ah Koobkii Adduunka ee 2014-kii lagu qabtay Brazil, rajadii xulkiisa waxa ay ku dhammaatay rigoorayaal ay kaga badiyeen Argentina, iyadoo Lionel Messi uu Argentina ku dhiirogeliyay guul ay ka gaareen xulkiisa Oranjada.

“Ma sii ahaan doono tababaraha xulka – kaliya waxaan aqbalay inaan waqtigaan qabto, sidaasi darteed waxay tani aheyd ciyaarteydii iigu danbeysay” ayuu Van Gaal ku xaqiijiyay shirkiisii jaraa’id ee ciyaarta ka dib.

ADVERTISEMENT

“Waqti cajiib ah ayaan la qaatay xulka. Xanuun aad u daran ayay aheyd sida aan ku harnay, sababtoo ah waxaan sameeyay wax walba oo aan uga hortagi karnay inay nagu dhacdo.”

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

LVG ayaa ka tagaya Netherlands markii seddexaad isagoo aan hal kulan laga badinin tan iyo markii ugu danbeysay ee ay Argentina ku wajaheen Koobka Adduunka sideed sannadood ka hor.

Van Gaal ayaana wariyayaasha xusuusiyay xaqiiqdaas isagoo sheegay inuusan ku jirin dareen ah in laga badiyay kulankii maanta.

“20 kulan oo aan hogaamiyay xulka, hal kulan la igama badinin. Ma garanayo inta aan badinay, waxaad ka raadin kartaa Google. Uma maleynayo in maanta laga iga badiyay – rigoore badis ma ahan.”

ADVERTISEMENT
Share474Tweet296
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.