Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

RASMI: Tababare Weyn Oo La Ceyriyay Ka Dib Markii Lagu Eedeeyay Inuu Hiiliyay Wadankiisa Argentina

by Saed Mohamed
December 1, 2022
0
RASMI: Tababare Weyn Oo La Ceyriyay Ka Dib Markii Lagu Eedeeyay Inuu Hiiliyay Wadankiisa Argentina

Tababarihii xulka Mexico Tata Martino ayaa shaqada xulka Mexico ka tagay ka dib markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay 2-1 uga badiyeen Sacuudiga.

ADVERTISEMENT

Mexico ayaa markii ugu horeysay muddo 44 sannadood ah waxaa lagu reebay wareega guruubyada Koobka Adduunka.

Ciyaarta ka dib tababaraha reer Argentina Tata Martino ayaa warbaahinta ku yiri: “Qandaraaskeyga Mexico wuxuu dhamaaday markii garsooraha uu yeeriyay seerigii ugu danbeeyay.”

Taageerayaasha xulka Mexico ayaa si weyn u saluugsanaa Tata Martino gaar ahaa markii la soo saaray isku aadka Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Madaama uu tababaraha ka soo jeedo Argentina islamarkaana Mexico ay isku guruub noqdeen dalkiisa hooyo, taageerayaal badan ayaa ku eedeynayay intii aan la gaarin Koobka Adduunka inuu u janjeeri doono dalkiisa.

Sidoo Kale Akhri

Waakan Xiddiga Liverpool Uga Dhaaratay Inuu Kooxdeeda Ka Baxo

Ololaha Nadiifinta Liverpool Oo Bilaabmay & Xiddiga Ugu Horreeya Ee Laga Fasaxay Anfield

February 7, 2023
XASAASI: Kooxaha Premier League Oo Isku Raacay Ciqaabta La Marinayo Man City Haddii Dambigu Ku Cadaado

XASAASI: Kooxaha Premier League Oo Isku Raacay Ciqaabta La Marinayo Man City Haddii Dambigu Ku Cadaado

February 7, 2023

Mexico ayaa guuldarro ay ka soo gaartay Argentina taasoo sal u noqotay ka haritaankooda Koobka Adduunka inkastoo ay kulankii ugu danbeeyay ka badiyeen.

Dad badan ayaa su’aal ka keenay taatiko bedelkii uu sameeyay kulankii Argentina iyo sida uu xulkiisa u soo adkeeyay kulankii Sacuudiga inay aad u kala bedelanaayeen.

Tababaraha ayaa mas’uuliyada haritaanka xulka dusha saartay isagoo shir jaraa’id ku yiri:

“Anigaa ah sababta ugu weyn ee qalbijabka aan maanta wadaageyno. Waxaan qaadeynaa mas’uuliyada fashilkii Koobka Adduunka. Qandaraaskeyga wuxuu dhamaaday markii uu garsooraha yeeriyay seerigii ugu danbeeyay. Wax kale oo la sameeyo ma jiraan.”

ADVERTISEMENT
Share636Tweet397
ADVERTISEMENT

Related Posts

Waakan Xiddiga Liverpool Uga Dhaaratay Inuu Kooxdeeda Ka Baxo

Ololaha Nadiifinta Liverpool Oo Bilaabmay & Xiddiga Ugu Horreeya Ee Laga Fasaxay Anfield

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Kooxda Liverpool ayaa la filayaa inay suuqa xagaaga soo socda dib u habayntii ugu weyneyd isku samayso iyadoo ciyaartoy badan...

XASAASI: Kooxaha Premier League Oo Isku Raacay Ciqaabta La Marinayo Man City Haddii Dambigu Ku Cadaado

XASAASI: Kooxaha Premier League Oo Isku Raacay Ciqaabta La Marinayo Man City Haddii Dambigu Ku Cadaado

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Kooxaha horyaalka Premier League ayaa shaaca laga qaaday aragtida ay ka qabaan in kooxda Manchester City lagu soo oogay boqol...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.