Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

RASMI: Sergio Busquets Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Fadhiistay Ciyaaraha Caalamiga Ah

by Abdiwahab Ahmed
December 16, 2022
0
RASMI: Sergio Busquets Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Fadhiistay Ciyaaraha Caalamiga Ah

Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona iyo xulka qaranka Spain ee Sergio Busquets ayaa shaaciyey inuu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah, isla markaana Koobkii Adduunka ee Qatar ee uu kabtanka u ahaa dalkiisu uu ugu dambeeyey inuu u ciyaaro Spain.

ADVERTISEMENT

Sergio Busquets oo ay da’diisu tahay 34 jir ayaa Spain u ciyaaray afar Koob Adduun oo kasoo bilowday 2010, 2014, 2018 iyo 2022, waxaana muddo 13 sannadood ahayd oo uu u dheelayay xulkiisa uu la gaadhay guulo badan.

Sergio Busquets ayaa ah ciyaartoyga saddexaad ee kulamadii ugu badnaa u ciyaaray Spain, waxaana uu u saftay 143 kulan. Kaliya Sergio Ramos oo 180 ciyaarood u dheelay iyo Iker Casillas oo 167 kulan u ciyaaray ayaa ka badan, waxaana muddadaas uu u dhaliyey laba gool, balse waxa uu ahaa udub-dhexaad ku suntan guulaha dalkiisa.
Busquets

Vicente del Bosque ayaa sannadkii 2009 kusoo daray xulka Spain, waxaana uu khad dhexe oo adag ka garab abuuray Xabi Alonso oo ay iska barbar-ciyaarayeen, waxaana uu kula guuleystay Koobkii Adduunka 2010 iyo Euro 2012, iyaga oo muddo afar sannadood ah dunida ka talinnayay.

Qoraal dheer oo uu ku daabacay bartiisa Instaram ayaa waxa uu Sergio Busquets ku sheegay in uu si rasmi ah usoo afjaray ciyaaraha caalamiga ah oo muddo 15 sannadood ah uu kusoo jiray iyo 143 ciyaarood oo uu u saftay qarankiisa.

ADVERTISEMENT

Waxa uu ku nuux-nuuxsaday inay u ahayd sharaf iyo karaamo weyn inuu dalkiisa u ciyaaro oo uu waliba guulo waaweyn la gaadhay, balse hadda la gaadhay xilligii uu kabaha tiirin lahaa. Waxa uu u mahad-celiyey tababarihii kulankiisii koowaad ee xulka safay ee Vicente del Bousque oo uu sheegay inuu siiyey fursaddii uu ku bilaabay ciyaaraha caalamiga ah. Waxa kale  oo uu u mahad-celiyey Julen Lopetegui, Fernando Hierro iyo Roberto Moreno.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023
ADVERTISEMENT
Share267Tweet167
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.