Real Madrid ayaan heli doonin adeegga ciyaareed ee saddex ka mid ah xiddigaheeda kulanka adag ee Villareal ay safarka ugu tegi doonaan Sabtida, taas oo haddii ay Los Blancos guuleysato ay la wareegi doonto hoggaanka horyaalka La Liga, maadaama Barcelona oo goolal kaga horreysa ay Axadda u tegi doonto Atletico Madrid.
Carlo Ancelotti ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda Real Madrid ee Villarreal, waxaana uu Valdebebas kaga tegay Dani Carvajal oo dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Real Valladolid ku maqan, isla markaana dhaawacnaa ciyaartii Copa del Rey ee Cacereno ee horraantii toddobaadkan.
Waxa kale oo dhaawacmay difaaca midig ee Alvaro Odriziozola oo beddel kaga baxay ciyaartii Cacereno oo uu difaaca bidix ka dheelayay, waxaana liiska maqaneyaasha ku wehelinaya Mariano Diaz oo ay dhaawacyo dishoodeen.
Real Madrid ayay dib ugu soo laabteen siddeed ciyaartoy oo kulankii ugu dambeeyey ee Cacereno ka maqnaa, waxaana taam soo noqday Thibaut Courtois oo la sheegay inuu dhaawac fudud oo muqua ah ku maqnaa. Waxa kale oo dib usoo laabtay oo lagu soo daray liiska ciyaartoyda kooxda Toni Kroos, Karim Benzema, Vinicius Junior, Luka Modric iyo David Alaba.
Kulanka Villarreal kaddib ayay Real Madrid u safri doontaa waddanka Sucuudiga oo uu ka bilaabmayo tartanak Spanish Supercup oo ay January 10 foodda is-dari doonaan Valencia, halka Barcelona iyo Real Betis ay iyaguna iska hor iman doonaan. Afar maalmood kaddib ayaa finalkana la ciyaari doonaa.
Liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Villarreal
Courtois, Lunin, Lopez; Militao, Alaba, Vallejo, Nacho, Vazquez, Rudiger, Mendy; Kroos, Modric, Camavinga, Valverde, Tchouameni, Ceballos; Hazard, Benzema, Asensio, Vinicius, Rodrygo