Mikel Arteta ayaa soo saaray liiska xiddigaha kooxdiisa Arsenal ee kulanka adag ee West Ham ee Caawa. Gunners ayaa garoonkeeda ku qaabbili doonta Hammers, waxaana haddii ay guuleysato ay siddeed dhibcood ku qaban doontaa hoggaanka horyaalka Premier League.
Arsenal oo haysta 37 dhibcood oo ay ka urursatay 14 ciyaarood oo ay dheeshay ayaa kaliya iska lumisay shan dhibcood intii uu xilli ciyaareedku socday, iyaga oo 42 suurtogal ahaa ka heshay 37 dhibcood.
Arsenal ayaa garoonkeeeda Emirates Stadium kusoo dhoweynaysa kooxda ay isku magaalada yihiin ee West Ham iyadoo uu dhaawac saddex bilood qaadanaya u jiifayo Gabriel Jesus oo kusoo dhaawacmay Koobkii Adduunka, isla markaana lagu sameeyey qalliin jilibka ah.
Eddie Nketiah ayaa ka faa;iidaysan doona maqnaanshaha Jesus oo heli doona fursad uu isku muujiyo oo uu weerarka dhexe kaga ciyaaro, hase yeeshee Arteta ayaa xaqiijiyey inuu saxeex samayn doono maadaama xilli ciyareedku cidhiidhi yahay oo aanay isku hallayn karayn Nketiah muddada uu maqan yahay Jesus.
Tiro ciyaartooyo ah oo hore dhaawacyo ugu dhibaatoonayay ayaa usoo laabtay Arsenal muddadii lagu maqnaa kulamada caalamiga ah, sida Emile Smith Rowe, Oleksandr Zinchenko, Takehiro Tomiyasu iyo Albert Sambi Lokonga, hase yeeshee waxa muddo maqnaan doona Reiss Nelson.
Arteta ayaa go’aansaday in aanu khatar gelin Smith Rowe maadaama uu muddo dheer maqnaa, balse waxa door hoggaamineed yeelan doona Bukayo Saka iyo Gabriel Martinelli oo ay sugayso inay xambaaraan masuuliyad ah inay goolal dhaliyaan maadaama saaxiibkoodii afka hore kula midaysnaan jiray ee Jesus uu maqan yahay.
Liiska xiddigaha Arsenal ee kulanka West Ham ee caawa
Goolhayeyaal: Aaron Ramsdale, Matt Turner, Karl Hein.
Difaacyahanno: Ben White, Gabriel Magalhaes, Rob Holding, William Saliba, Kieran Tierney, Oleksandr Zinchenko, Lino Sousa.
Khadka Dhexe: Granit Xhaka, Thomas Partey, Albert Sambi Lokonga, Martin Odegaard, Fabio Vieira, Matt Smith, Albert Sambi Lokonga (doubt), Amario Cozier-Duberry, Ethan Nwaneri.
Weerarka: Bukayo Saka, Gabriel Martinelli, Eddie Nketiah, Marquinhos.