Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

RASMI: Manchester City Oo Lasoo Wareegtay Dheemanka Reer Argentina Ee Yaraanta Isku Muujiyey

by Abdiwahab Ahmed
January 23, 2023
0
RASMI: Manchester City Oo Lasoo Wareegtay Dheemanka Reer Argentina Ee Yaraanta Isku Muujiyey

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa si rasmi ah u dhamaystirtay saxeexa da’yarka reer Argentina ee Maximo Perrone oo maanta lagu soo bandhigay garoonka Etihad Stadium, halkaas oo uu kaga biiri doono ciyaartoyda kooxdiisa cusub.

ADVERTISEMENT

Kubbad-sameeyahan oo ay Arsenal kasoo iibsatay Velez Sarsfield ayaa waxa uu qalinka ku duugay heshiis waqti dheer ah oo soconaya muddo shan sannadood iyo badh ah.

Maximo Perrone oo ay da’diisu tahay 20 jir, ayaa ah kubbad-sameeye is-muujiyey iyadoo ay da’diisu yar tahay, waxaanu soo jiitay indhaha kooxo badan oo reer Yurub ah ka hor intii aanay kooxda tababare Pep Guardiola gacanta ku dhigin.

Kooxda koowaad ee Velez Sarsfield ayuu kulankiisii koowaad u saftay bishii March ee sannadkii hore, waxaana uu u ciyaaray 33 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey saddex gool, waxaanu ka caawiyey inay yimaaddaan semi-finalka Cpa Libertadores oo uu labadii ciyaarood ee labada garoonba uu dhaawac ku seegay, waxaana ka adkaatay oo reebtay kooxda reer Brazil ee Flamengo.

ADVERTISEMENT

Maximo Perrone ayaa waxa uu sidoo kale u ciyaaray xulka qaranka Argentina ee 16-jirrada iyo 20-jirrada koobkii qaramada Latin America ee lagu qabtay Colombia.

Sidoo Kale Akhri

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023
YAAB: Magaciisa Runta Ah Ma Aha Casemiro – Dadka Oo Hadda Uun Ogaaday Inuu Magac Kale Isticmaalo Xiddiga Brazil

Casemiro Oo Fariin Cagajugleyn Ah U Diray Arsenal Iyo Manchester City

January 29, 2023

Dadka sida dhow ula socda Maximo Perrone ayaa waxay ku tilmaamaan inuu leeyahay qaab-ciyaareedka Julian Alvarez oo sannadkii hore ay Man City lasoo wareegtay isla markaana wacdaro ka dhigay Koobkii Adduunka ee Qatar.

ADVERTISEMENT
Share432Tweet270
ADVERTISEMENT

Related Posts

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

YAAB: Magaciisa Runta Ah Ma Aha Casemiro – Dadka Oo Hadda Uun Ogaaday Inuu Magac Kale Isticmaalo Xiddiga Brazil

Casemiro Oo Fariin Cagajugleyn Ah U Diray Arsenal Iyo Manchester City

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Casemiro ayaa fariin digiin ah u diray Manchester City iyo Arsenal isagoo u sheegay inuu u soo socdo inuu soo...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.