Weeraryahanka Uruguay Luis Suarez ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda reer Brazil ee Gremio.
Suarez ayaa si xor ah ugu wareegay Gremio isagoo u saxiixay heshiis labo sannadood ah, wuxuuna kooxda ku negaan doonaa ilaa iyo xagaaga 2024ka.
Suarez ayaa iska diiday kooxo badan oo ka dhisan horyaalka Mareykanka ee MLS iyo horyaalka Sacuudiga isagoo ka doortay inuu u wareego kooxda reer Brazil ee Gremio.
Suarez ayaa ku laabtay xagaagii kooxda wadankiisa ee Nacional ka dib markii uu ka tagay Atletico Madrid.
Laakiin inkastoo uu la qaaday horyaalka Uruguay hadana waxaa dhacay hishiiskiisa taasoo keentay inuu si xor ah uga tago.
Xiddigii hore ee Liverpool iyo Barcelona ayaa durba ku sugan dalka Brazil isagoo maray tijaabada caafimaadka islamarkaana maanta saxiixay hishiiska labada sannadood.
Wararka ayaa sheegaya in taageerayaasha Gremio inay aad uga faraxsan yihiin saxiixa Suarez iyadoo durbaba la wada iibsaday maaliyada No.9 ee uu u xiran doono kooxda.
Suarez ayaa guulo la soo gaaray kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid isagoo sidoo kale u soo ciyaaray kooxaha Liverpool iyo Ajax.