Lionel Messi ayaa labo rikoodh oo Koobka Adduunka ah jabiyay daqiiqad gudaheed finalkii Koobka Adduunka ee ay ka badiyeen France.
Kabtanka Argentina ayaa goolasha furay daqiiqadii 28aad markii uu rigoore gool u sarifay ka dib markii Ousmane Dembele uu xerada ganaaxa ku jalaafeeyay Angel di Maria.
Goolkaas wuxuu ahaa goolkii lixaad ee uu Messi ka dhaliyo Koobka Adduunka isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee taariikhda Koobka Adduunka ee shabaqa soo taabta kulan walba oo ka mid ah wareegyada Koobka Adduunka ee kala ah wareega guruubyada, wareega 16ka, wareega 8da, semi-finalka iyo finalka.
Ka dib markii uu shabaqa ka soo taabtay Sacuudi Areebiya iyo Mexico wareegii guruubyada, Messi wuxuu gool ka dhaliyay Australia wareegii 16ka ka hor inta uusan rigoore ka dhalinin Netherlands wareegii sideed dhamaadka, wuxuu shabaqa sidoo kale ka soo taabtay Croatia kulankii semi-finalka iyo kulankii finalka ee France.
Isla daqiiqadaas Messi wuxuu sidoo kale jabiyay rikoodh kale oo weyn isagoo noqday ciyaaryahanka daqiiqadihii ugu badnaa ciyaaray Koob Adduun isagoo daqiiqadii 23aad ay u aheyd 2,216 daqiiqo uu dheelo Koob Adduun, wuxuuna rikoodhka ka jabiyay halyeeyga Talyaaniga Paolo Maldini.
Ka hor inta aysan ciyaarta bilaabanin wuxuu noqday xiddiga ugu safashada badan Koobka Adduunka isagoo saftay kulankiisii 26aad finalkii maanta.
Messi ayaa sidoo kale noqday maanta ciyaaryahankii ugu horeeyay abid ee labo jeer ku guuleysta abaalmarinta laacibkii ugu fiicnaa Koobka Adduunka.