Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha uu Saudi Arabia u kaxaysanayo ee kooxdiisa ku metelaya tartanka Spanish Supercope ee Riyadh lagu ciyaaro.
Kulanka afar dhammaadka ee tartankaas ayaa ka qabsoomi doona gegida caanka ah ee King Fahad Stadium berrito iyagoo la ballansan kooxda tababare Gennarro Gattusso ee Valencia.
Anceletti ayaa soo xushay liiska ugu xoogan ee diyaarka u ah xilli uu soo laabtay daafaca midig ee Dani Carvajal oo seegay guuldarradii 2-1 ka ahayd ee dhawaan kasoo gaadhay Villarreal.
Marka laga yimaado soo laabashada Carvajal, Los Blancos ayay ka maqan yihiin xiddigaha asaasiga ka ah shaxdooda ee Aurelien Tchouameni iyo David Alaba.
Real Madrid ayaa xaqiijisay in Alaba iyo Tchouameni ay ku maqnaan doonaan dhaawac kubka ah. Supercopa ayaa ahaa koobkii ugu horreeyay ee uu Ancelotti la qaaday Madrid xilli ciyaareedkii hore wuxuuna kalsooni ku qabaa inuu markale la hoyan karo.
Liiska Real Madrid Ee Spanish Supercope