Wajiyo cusub oo ay qaarkood dhaawacyo kasoo laabteen ayaa kasoo muuqan doona ciyaartoyda Liverpool ee kulanka Wolves ee caawa ee tartanka FA Cup, taas oo uu tababare Jurgen Klopp rajaynayo inay kusoo laabtaan tubta guusha kaddib khasaarihii kasoo gaadhay ciyaartii Brentford ee Isniintii ee horyaalka Premier League.
Liverpool ayaa wareegga saddexaad ee FA Cup waxay garoonkeeda Anfield ku martigelin doontaa Wolves, iyadoo u dagaallamaysa in ay difaacato tartanka ay xilli ciyaareedkii hore rikoodheyaashaga kaga qaadday Chelsea.
Reds ayaa waxa ka maqan Virgil van Dijk oo muddo bil iyo dheeraad ah dhaawac u jiifaya, hase yeeshee waxa liiska ciyaartoyda kulankan lagu soo daray saxeexa cusub ee Cody Gakpo, halka Roberto Firmino iyo James Milner ay iyaguna qayb ka yihiin kooxda, inkasta oo la sheegayo in liiska damba dambaysta ah ee shaxda kusoo bilaabanaysa iyo kuwa kaydka aan midkoodna lagu soo dari doonin.
Naby Keita ayaa isaguna ka maqnaa tababarkii u dambeeyey, balse tababare Jurgen Klopp kuma aanu soo qadin shirkiisii jaraa’id, waxaana uu kusoo daray liiska ciyaartoydiisa. Waxa kale oo kooxda usoo laabtay kabtan Jordan Henderson oo dhaawac ku maqnaa ciyaartii Brentford.
Diogo Jota iyo Luis Diaz ayaa dhaawac muddo dheer ah u jiifa, sidoo kalena Virgil van Dijk iyo Arthur Melo ayaa kula jira liiska dhaawacyada, waxaanay dhamaantood ka maqan yihiin ciyaartan.
Liiska ciyaartoyda Liverpool ee kulanka Wolves ee FA Cup
Goolhayeyaal Adrian, Alisson, Caoimhin Kelleher.
Difaacyahanno: Andy Robertson, Ibrahima Konate, Joe Gomez, Joel Matip, Kostas Tsimikas, Nat Phillips, Calvin Ramsay, Trent Alexander-Arnold, Luke Chambers.
Khadka Dhexe: Alex Oxlade-Chamberlain, Curtis Jones, Fabio Carvalho, Fabinho, Harvey Elliott, Jordan Henderson, Thiago Alcantara, Naby Keita, Stefan Bajcetic.
Weerarka: Cody Gakpo, Darwin Nunez, Mohamed Salah, Roberto Firmino, Bobby Clark, Ben Doak.