Liverpool ayaa caawa ciyaaraysa kulanakeedii koowaad ee sannadka cusub, waxaanay safar ku tegaysaa magaalada London oo ay ku booqanayso Brentford, iyaga oo haddii ay badiyaan soo cidhiidhsan doona kaalinta shanaad oo ay hal dhibic u jirsan doonaan Manchester United oo afraad fadhid.
Reds ayaa laba guulood oo isku xiga gaadhay intii laga soo noqday fasaxa Koobka Adduunka, waxaanay Jimcihii garoonka Anfield kusoo garaacday Leicester City iyadoo gool uu bilowgii ciyaarta ka dhaliyey Kirnan Dawsbury-Hall uu ka daba yimid Wout Faes oo laba gool iska dhaliyey. Waxa uga sii horreysay Aston Villa oo ay kusoo garaaceen Villa Park.
Qaar ka mid ah ciyaartoydii dhaawaca kaga maqnaa ayaa usoo laabtay Liverpool, sida uu ku xaqiijiyey shirkii jaraa’id ee ka hor ciyaarta, waxaana tababarka iska soo xaadiriyey Roberto Firmino iyo James Milner oo lagu soo daray liiska, inkasta oo waqti dambe go’aan laga gaadhayo haddii ay ciyaarayaan iyo haddii ay nasan doonaan.
Sidoo kale, Ibrahima Konate ayaa soo laabtay, balse waxa shaki weyn uu ku jiraa inkasta oo uu liiska ku jiro laacibka khadka dhexe ee Curtis Jones oo uu Klopp sheegay in uu u baahan yahay hubin dheeraad ah.
Saxeexa cusub ee Cody Gakpo oo ay Liverpool kala soo wareegtay PSV Eindhoven ayaa shalay loo diiwaangeliyey inuu rasmi ahaan u yahay ciyaartoy Liverpool ah, hase yeeshee Klopp ayaa Jimcihii sheegay in aanu filayn inuu ciyaari doono illaa laga gaadhayao wareegga saddexaad ee FA Cup ee ay Sabtida ala ballansan yihiin Wolves.
Liiska dhaawacyada Liverpool ayaa soo yaraaday, waxaana hadda rasmi ahaan ugu jira Luis Diaz, Diogo Jota iyo Arthur Melo iyadoo laacibiintii jugtu kasoo gaadhay kulankii Leicester City ee Harvey Elliottiyo Andy Robertson ay soo kabteen.
Liiska ciyaartoyda Liverpool ee kulanka Brentford ee caawa
Goolka Adrian, Alisson, Caoimhin Kelleher.
Difaaca: Andy Robertson, Ibrahima Konate, Joe Gomez, Joel Matip, Kostas Tsimikas, Nat Phillips, Calvin Ramsay, Virgil van Dijk, Trent Alexander-Arnold.
Khadka Dhexe: Alex Oxlade-Chamberlain, Fabio Carvalho, Fabinho, Harvey Elliott, Jordan Henderson, Thiago Alcantara, Naby Keita, Stefan Bajcetic.
Weerarka: Darwin Nunez, Mohamed Salah, Roberto Firmino, Bobby Clark, Ben Doak.