Liverpool ayaa dib ugu soo laabatay horyaalka Premier League ee ay fasaxa kaga jirtay muddada lixda usbuuc ah, waxaanay safar ugu tegaysaa Aston Villa kulan adag oo haddii Reds ay guul ka keeni weydo ay adag tahay in xataa ay ku riyooto iny afarta sare ka mid noqonayso.
Reds ayay ugu dambaysay inay ciyaarto November 12 oo ay 3-1 kaga adkaadeen Southampton, hase yeeshee waxay wali ku jiraan xaalad adag iyaga oo fadhida kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League, iyaga oo kaalinta afraad oo ay Tottenham ku jirto ka dambeeya toddoba dhibcood halka Arsenal oo hoggaanka haysana ay u dhexeeyaan 15 dhibcood.
Jurgen Klopp ayay kooxdiisu guul-darro 3-2 ah la kulantay Khamiistii, waxaana uu ahaa ciyaar ka tirsanayd Carabao Cup oo ay Man City ugu gudubtay wareegga siddeedda, taas oo sii murjinaysa ciyaartoyda niyad-jabsan.
James Milner ayaa uu dhaawac soo gaadhay ciyaartii Man City oo garoonka laga saaray, sidoo kalena Roberto Firmino ayaa wax ku noqday tababarka, taas oo uga sii dartay xaaladda dhaawacyada kooxda oo ay hore uga maqnaayeen Curtis Jones iyo Arthur Melo oo iyaguna liiska maqaneyaasha ugu hore ugu jiray.
Labada ay Liverpool u jabayso ayaa ah Diogo Jota iyo Luis Diaz oo garoomada ka maqnaan doono muddo dheer, hase yeeshee xiddiga kasoo laabtay xulka France ee Ibrahima Konate ayaa isagana la nasinayaa oo kaydka la gelin doonaa.
Liiska xiddigaha Liverpool ee kulanka Aston Villa ee Caawa
Goolhayeyaal: Adrian, Alisson, Caoimhin Kelleher.
Difaacyahannada: Andy Robertson, Joe Gomez, Joel Matip, Kostas Tsimikas, Nat Phillips, Calvin Ramsay, Virgil van Dijk, Trent Alexander-Arnold.
Khadka Dhexe: Alex Oxlade-Chamberlain, Fabio Carvalho, Fabinho, Harvey Elliott, Jordan Henderson, Thiago Alcantara, Naby Keita, Stefan Bajcetic.
Weerarka: Darwin Nunez, Mohamed Salah, Bobby Clark, Ben Doak.