Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

RASMI: Liiska Ciyaartoyda Arsenal Ee Kulanka Manchester United & Go’aanka Laga Gaadhay Leandro Trossard

by Abdiwahab Ahmed
January 22, 2023
0
RASMI: Liiska Ciyaartoyda Arsenal Ee Kulanka Manchester United & Go’aanka Laga Gaadhay Leandro Trossard

Mikel Arteta ayaa shaaciyey liiska ciyaartoydiisa kulanka fiidka ee Manchester United ay kusoo dhoweyn doonaan garoonka Emirates Stadium, waxaana dhamaantood diyaar ah oo uu soo qaadday xiddigihii Axaddii soo silciyey Tottenham ee lasoo laabtay guusha 2-0 ah iyaga oo waliba marti ahaa.

ADVERTISEMENT

Arsenal oo 18 ciyaarood oo ay dheeshay guuleystay 15 ka mid ah, mid laga badiyey iyo laba ay barbarro gashay ayaa waxay caawa raadin doontaa guul argoosi ah, sababtoo ah waxay qaabbilayaan Manchester United oo ah kooxda kaliya ee illaa hadda kabadisay.

Bishii September ayay Manchester United saddex dhibcood kaga qaadatay Arsenal kulankoodii Old Trafford, waxaanay hadda yihiin imtixaanka ugu weyn ee sugaya Mikel Arteta, balse haddii ay Gunners guuleystaan waxay hal tallaabo oo kale hore  ugu qaadi doonaan  dhinaca ku guuleysiga horyaalka Premier League.

Gunners ayaa fursad u aragta in uu Manchester United ka maqan yahay kubbad-burburiyaha Brazil ee Casemiro oo ganaax ah, sidoo kalena United ayay ka maqan yihiin Anthony Martial, Diogo Dalot iyo Jadon Sancho, waxaanay taasi culayska ka dejinaysaa Arteta.

ADVERTISEMENT

Liiska ciyaartoyda Arsenal ee kulanka Manchester United ayaa waxa lagu soo daray, weeraryahanka cusub ee ay Arsenal la saxeexatay toddobaadkan ee Leandro Trossard oo uga soo wareegay Brighton & Hove Albion, kaas oo ay heleen waqti ku filan oo ay ku diiwaangeliyaan ka hor ciyaarta Manchester United.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Arsenal ayuu ka maqan yahay dhaawaca muddada dheer ee Gabriel Jesus, balse waxa usoo laabtay Emile Smith Rowe oo muddo dheer garaoomada ka maqnaa, waxana uu rajaynayaa in uu heli doono waqti qaybta dambe ee ciyaarta haddii ay xilli hore saddexda dhibcood xaqiijisato kooxdiisu.

Liiska xiddigaha Arsenal ee kulanka  Manchester United ee maanta

Goolhayeyaal: Aaron Ramsdale, Matt Turner, Karl Hein.

Difaacyahanno: Ben White, Gabriel Magalhaes, Rob Holding, William Saliba, Kieran Tierney, Oleksandr Zinchenko, Takehiro Tomiyasu, Lino Sousa.

ADVERTISEMENT

Khadka Dhexe: Granit Xhaka, Thomas Partey, Albert Sambi Lokonga, Martin Odegaard, Fabio Vieira, Matt Smith, Amario Cozier-Duberry, Ethan Nwaneri.

Weerarka: Bukayo Saka, Gabriel Martinelli, Eddie Nketiah, Marquinhos, Emile Smith Rowe, Leandro Trossard.

Share477Tweet298
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
1

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.