RASMI: Laacibkii Todobaadkan Ugu Fiicnaa Champions League Oo La Magaacaabay & Mbappe Oo Abaalmarinta Lagu Garaacay

UEFA ayaa magacowday laacibkii todobaadkan ugu fiicnaa wareegii group-yada Champions League.

Kubadsameeyaha kooxda Manchester City Kevin de Bruyne ayaa ku guuleystay abaalmarinta xiddiga todobaadka ee Champions League ka dib markii uu kooxdiisa ka caawiyay guushii ay ka gaareen Borussia Dortmund.

Xiddiga reer Belgium Kevin de Bruyne ayaa caawiye ka ahaa goolkii John Stones uu ku barbareeyay Dortmund ka hor inta uusan Haaland goolka guusha u dhalinin Man City.

Advertisements

KDB wuxuu sidoo kale ahaa xiddiga ugu shaqada badan todobaadkan isagoo orday 11.35 kiilomitir, wuxuuna baasaskiisa saxay boqolkiiba 67.

Laacibka Man City wuxuu abaalmarinta ku garaacay Kylian Mbappe oo shabaqa soo taabtay kulankii ay PSG 3-1 uga badisay Maccabi Haifa. Wuxuu sidoo kale ka dulqaaday laacibka Bayern Munich Jamal Musaila oo caawin sameeyay kulankii ay garaaceen Barca.

Waxaa isna abaalmarinta seegay weeraryahanka Club Brugge Jutglà kaasoo gool iyo caawin sameeyay kulankii ay 4-0 ku xasuuqeen FC Porto.

Kevin de Bruyne waa xiddigii labaad ee abaalmarinta ku guuleysta xilli ciyaareedkan iyadoo todobaadkii hore uu ku guuleystay weeraryahanka Barcelona Robert Lewandowski.

Advertisements

Screenshot 2022 09 15 121442

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada