Xidhiidhka kubadda cagta ee ururinta xogta iyo taariikhda ee IFFHS ayaa shaaciyey xiddiga ku guuleystay abaal-marinta goolhayaha sannadka 2022, taas oo ay ku tartameen Thibaut Courtois, Emiliano Martinez iyo Yassine Bono oo soo qaatay sannad ay wacdaro ka dhigeen garoomada.
Goolhayaha xulka qaranka Argentina ee Emiliano Martínez ayaa xulka dalkiisa kula guuleystay Koobkii Adduunka ee Qatar oo ay rikoodheyaal ku garaaceen Faransiiska, sidoo kalena Yassine Bono ayaa dunida isku baray Koobkii Adduunka oo uu qayb ka ahaa xulkii taariikhda sameeyey ee Morocco ee soo gaadhay afar-dhamaadka Koobka Adduunka.
Sidoo kale, goolhaye Thibaut Courtois ayaa Real Madrid kula guuleystay Champions League, LaLiga iyo UEFA Supercup, waxaanay u ahaayeen 12 bilood oo wanaagsanaa inkasta oo uu dalkiisu ku fashilmay Koobkii Adduunka.
Xidhiidhka kubadda cagta caalamiga ah ee ururinta xogta iyo taariikhda ee IFFHS ayaa shaaciyey, in Thibaut Courtois uu ku guuleystay abaal-marinta goolhayihiin ugu wanaagsanaa sannadkii 2022, waxaana uu abaal-marinta ku garaacay Emiliano Martinez iyo Yassine Bono.
Courtois ayaa helay 125 dhibcood, waxaana uu ka sarreeyey Emiliano Martínez oo kaalinta labaad galay oo helay 110 cod halka goolhayaha Morocco ee Yassine Bono uu saddexaad noqday oo uu 55 dhibcood helay.
Thibaut Courtois ayay u tahay markii labaad ee uu ku guuleysto abaal-marinta goolhayaha ugu fiican sannadka ee IFFHS, waxaana uu sidan oo kale u qaatay sannadkii 2018 oo uu sidoo kale noqday goolhayihii ugu wanaagsanaa Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Ruushka.
Waxa uu goolhaye Thibaut Courtois barbarreeyey rikoodhka halyeygii goolka Manchester United ee Peter Schmeichel oo laba jeer ku guuleystay abaal-marinta IFFHS.
Courtois ayaa sidoo kale sannadka adhamaaday ku guuleystay abaal-marinta goolhayihii ugu fiicnaa Champions League iyo abaal-marinta goolhayaha dunid oo dhan ugu wanaagsan ee Yashin Trophy ee uu bixiyo wargeyska France Football oo xafladdii Ballon d’Or-ka isaga iyo Benzema lagu guddoonsiiyey bishii October.