Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

RASMI: Garsoorihii Kaga Oohiyey Lionel Messi Oo Loo Magacaabay Kulanka Barcelona Ka Walaacsan Tahay

by Abdiwahab Ahmed
December 27, 2022
0
“Kulanka Kahor Ayaanu Baqanaynay, Garsooraha Kama Hadli Karo Oo Waa Lay Ganaaxayaa Laakiin…” – Lionel Messi Oo Is-Celin Waayay

Xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa magacaabay garsooraha kulanka kooxaha isku magaalada ah ee Barcelona iyo Espanyol ee horyaalka LaLiga ee toddobaadkan, waxaana wadnaha farta ku haya jamaahiirta Barcelona oo aad u neceb garsoorahan oo hore uu uga qayliyey Lionel Messi.

ADVERTISEMENT

Horyaalka Spain ee LaLiga ayaa la ciyaari doonaa Khamiista, Jimcaha iyo Sabtida, waxaanay laba jugood isku raaceen Barcelona oo hore looga ganaaxay Robert Lewandowski oo saddexda ciyaarood ee Espanyol, Atletico Madrid iyo Getafe maqnaan doona.

Jugta labaad ayaa ah in garsoore Mateu Lahoz loo magacaabay ciyaartooda koowaad ee ay dib ugu soo laabanayaan horyaalka maalinta koowaad ee sannadka cusub.

Mateu Lazho oo ay da’diisu tahay 45 jir ayaa la xasuusan yahay in uu ahaa xaakimkii kulankii Argentina iyo Netherlands ee wareegga siddeedda Koobka Adduunka oo uu bixiyey 18 kaadh oo huruud ah oo mid uu u beddelay casaan, taas oo keentay in FIFA ay dalkiisa usoo dirto oo laga saaro liiska garsooreyaashii semi-finalka iyo finalka.

ADVERTISEMENT

Lionel Messi ayaa ciyaartaas kaddib saxaafadda si toos ah ugaga hadlay Mateu Lahoz oo uu sheegay in aanay ahayn in garsooreyaal noocaas oo kale ah ay yimaaddaan Koobka Adduunka. Frenkie de Jong ayaa isaguna ciyaartaas qayb ka ahaa oo garsooraha marar badan saluug ka muujiyey heerka caddaaladdiisa.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

De Jong ayaa waxa uu ku sheegay Lahoz inuu yahay mid fadeexad ah ku ah koobka adduunka, isla markaana waqtigii dheeraadka  ahaa ee lagu daray ciyaartaas oo rikoodheyaal ku dhamaatay uu Lahoz illoobay garsoorenimada.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona oo aad u neceb Lahoz ayaa loogu dhiibay kulanka dagaalka ah ee kooxda ay isku magaalada yihiin ee Espanyol.

ADVERTISEMENT
Share383Tweet239
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.