Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

RASMI: Garsooraha Kulanka El Clasico Ee Real Madrid Iyo Barcelona Oo La Magacaabay

by Abdiwahab Ahmed
April 7, 2021
1
Clasico

Garsooraha dhexdhexaadinaya kulanka adag ee El Clasico ee Sabtida ay foodda isku darayaan Real Madrid iyo Barcelona ayaa la shaaciyey, waana xaakim aan kugu cusbayn oo hore usoo qabtay kulamo waaweyn.

ADVERTISEMENT

Maamulka LaLiga ayaa kulankan u magacaabay in uu qabto garsoore uu kaadhku kasoo horreeyo oo aan ciyaartoyda u aabbo yeelin, horena ciyaartooyo waaweyn garoomada uga saaray.

Mateu Lahoz

Ciyaarta El Clasico ee Sabtida oo lagu tilmaamay middii kala saari lahayd kooxaha ku loollamaya horyaalka, ayaa waxay kusoo beeganay xilli ay Barcelona laba dhibcood ka horreyso Real Madrid oo ay kaalinta labaadna fadhido, isla markaana hal dhibic kaliya ka dambayso Atletico Madrid oo hoggaanka haysa.

ADVERTISEMENT

Barcelona oo wareeggii 16ka kaga hadhay Champions League ayaa dedaalkeeda oo dhan iskugu geynaysa horyaalka LaLiga oo ay hadda tahay kooxda loo saadaalinayo, laakiin Real Madrid ayaa iyaduna laba dhibcood oo kaliya ka dambaysa, isla markaana qaab ciyaareed fiican kusoo jirtay kulamadii ugu dambeeyey.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

Zinedine Zidane oo ay si la mid ah Barcelona dhibaatootay bilowgii xilli ciyaareedka ayaa xalay guul weyn ka gaadhay Liverpool oo ay lugta hore ee wareegga siddeedda kaga badisay 3-1, taas oo siinaysa niyad dhis ka hor kulanka Barcelona.

Guddida Farsamada iyo garsooreyaasha ayaa ciyaartan u magacaabay in uu dhexdhexaadiyo garsooraha caanka ah ee Mateu Lahoz oo lagu yaqaano in kaadhka aanu kala gabbanin ciyaartoyda, wax saayiraad ahna aanu samaynin.

Lahoz ayaa noqon doona garsooraha dhexe ee ciyaarta, waxaase uu caawin ka heli doonaa Soto Grado oo loo doortay in uu noqdo garsooraha VAR.

Ka hor kulanka El Clasico, Lahoz ayaa indhaha taageereyaashu qaban doonaan, laguna qiimaynayaa ciyaarta Bayern Munich iyo PSG ee caawa oo isaga loo doortay in uu dhexdhexaadiyo.

ADVERTISEMENT

Si kastaba, ciyaartii horraantii xilli ciyaareedkan ee Barcelona iyo Real Madrid ee ka dhacday garoonka Camp Nou, waxa 3-1 kusoo badisay Real Madrid.

Share234Tweet146
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Comments 1

  1. Jimcale says:
    2 years ago

    Beenale kaadiba ayaatay goormay baraajeeyen Barcelona iyo Real Madrid 3:1Real

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.