FIFA ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay sharraxaad buuxda oo ku saabsan goolkii muranka dhaliyey ee Japan uu ka dhaliyey Spain ee sababta u noqday in xulka qaranka Germany uu ka hadho Koobka Adduunka ee ka socda waddanka Qatar.
Hansi Flick ayuu xulkiisu hadhay isaga oo waliba 4-2 ku burburiyey Costa Rica, sababtuna waxay ahayd in Japan ay 2-1 kaga adkaatay Spain oo waliba ay ka dhalisay gool muran ku jiray oo kubaddu ay dibedda kasoo noqotay, inkasta oo aanay ka dhamaanin laynka, kaas oo uu madax ku dhamaystiray Ao Tanaka.
Garsooraha dhexe ee ciyaarta ayaa diiday goolkaas, balse VAR ayaa lasoo hadashay oo ku qancisay in kubaddu ay milimitir kula jirtay laynka sidaas darteedna ay tahay inuu goolkaas fasaxo.
Doodda goolkan ayaa taagnayd illaa xalay, hase yeeshee FIFA ayaa mar dhoweyd soo saartay laba muuqaal iyo qoraal ay ku sharraxayso sababta goolkaas loo ogolaaday.
Qoraalka FIFA ayaa lagu yidhi: “Goolkii labaad ee Japan ee guushoodii 2-1 ee ay ka gaadheen Spain waxa laga soo hubiyey VAR si ay u caddayso haddii ay kubaddu dibedda uga baxday gartoonka lagu ciyaarayay. Muuqaalka garsooreyaashu ay isticmaaleen waxay ahaayeen kaamirooyinka laynka goolka, si ay u hubiyaan in kubaddu ay wali qayb kula jirtay laynka iyo in kale.
“Kaamirooyinka kale waxay abuurayeen sawirro marin-habaabin ah, laakiin caddayamaha la helay waxay muujinayaan in aanay kubaddu ka dhamaanin garoonka oo aanay dibedda u wada bixin.”
Halkan ka daawo muuqaallada FIFA soo bandhigtay
Other cameras may offer misleading images but on the evidence available, the whole of the ball was not out of play. pic.twitter.com/HKKEot0j1Y
— FIFA.com (@FIFAcom) December 2, 2022
Japan’s second goal in their 2-1 win over Spain was checked by VAR to determine if the ball had gone out of play.
The video match officials used the goal line camera images to check if the ball was still partially on the line or not. pic.twitter.com/RhN8meei6Q
— FIFA.com (@FIFAcom) December 2, 2022