Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

RASMI: FIFA Oo Shaacisay Goolkii Ugu Quruxda Badnaa Koobka Adduunka – Mbappe & Neymar Oo Lagu Garaacay

by Abdiwahab Ahmed
December 23, 2022
0
RASMI: FIFA Oo Shaacisay Goolkii Ugu Quruxda Badnaa Koobka Adduunka – Mbappe & Neymar Oo Lagu Garaacay

Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa shaaciyey goolkii ugu quruxda badnaa Koobkii Adduunka ee Axaddii lasoo gabogabeeyey, kaas oo ay ku tartameen dhawr ciyaartoy balse looga hadhay xiddiga Brazil ee Richarlison.

ADVERTISEMENT

Weeraryahanka Tottenham ayaa gool qurux badan oo uu kubadda isku-laba rogay ka dhaliyey ciyaaartii koowaad ee Koobka Adduunka ee ay 2-0 ku garaaceen Serbia, taas oo uu labada goolba isagu dhaliyey.

25 jirkan ayaa sidoo kale diiwaanka goolasha isku qoray kulankii South Korea ay 4-1 ku karbaasheen, hase yeeshee goolkiisii kulankii Serbia ee uu sida qalaama-rogodka ah u dhaliyey ayaa noqday midkii ugu quruxda badnaa Koobka Adduunka.

Kylian Mbappe iyo Neymar Jr ayaa ahaa labada ciyaartoy ee kale ee kula tartamayay abaal-marinta xiddiga ugu goolka quruxda badan, waxayse FIFA xalay shaacisay in Richarlison uu goolkiisu yahay midkii tartanka Koobka Adduunka ee Qatar ugu qurux badnaa.

ADVERTISEMENT

Vinicius Junior ayaa kubadda kasoo dhiibay dhinaca midig, waxaana xerada ganaaxa ku qabtay Richarlison oo markaas kaddibna kubadda oo dallacantay qalaama-rogod sameeyey oo laaday, sidaasna kaga dhaliyey goolhaye Vanja Milinkovic-Savi.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Shandadiisa Ka Xidh-xidhay Man City

February 7, 2023
DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

February 7, 2023

Goolkan ayaa waxay tartamayeen goolkii quruxda badnaa ee Neymar uu ka dhaliyey Croatia ee uu dersinka ciyaartoyda ah kubadda kala sii dhax-baxay iyo goolkii labaad ee Kylian mbappe uu ka dhaliyey Argentina, hase yeeshee Richarlison ayaa labadoodaba ku garaacay.

Halkan ka daawo goolka

Richarlison! What have you done?! 🤯#FIFAWorldCup | @richarlison97 pic.twitter.com/kCKFdlINXq

— FIFA World Cup (@FIFAWorldCup) November 24, 2022

ADVERTISEMENT
Share416Tweet260
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Shandadiisa Ka Xidh-xidhay Man City

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa is-casilaya maalin kaddiib markii ay soo baxday fadeexaddii ugu xumayd...

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa go'aansaday inay iska diidaan in Manchester City ay ka  ciyaarto haddii laga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.