FIFA ayaa shaacisay in finalka Koobka Adduunka ee Argentina iyo France uu qaban doono Szymon Marciniak oo ah 41 jir u dhashay waddanka Poland. Szymon Marciniak ayaa noqon doona garsoorihii ugu horreeyey ee u dhashay Poland ee qabta ciyaar final Koobka Adduunka.
Szymon Marciniak oo ka mid ah garsooreyaasha ugu wanaagsan dunida waqtigan ayaa laba ciyaarood oo ay labada xul ee Faransiiska iyo Argentina soo ciyaareen qabtay intii uu socday Koobka Adduunka ee Qatar. Wareegii group-yada ciyaartii France vs Denkar ayaa uu ahaa garsoorihii hayay, halka uu sidoo kalena qabtay kulankii wareegga siddeedda ee Argentina vs Australia.
Siddeed kulan oo Champions League ah ayaa uu Szymon Marciniak qabtay xilli ciyaareedkii tegay, waxaana ka mid ahayd kulankii Villarreal vs Liverpool. Waxa rikoodhka ugu jira 39 ciyaarood oo Yurub ah oo uu dhaxdhaxaadiyey Szymon Marciniak.
Polish 🇵🇱 referee Szymon Marciniak will officiate the World Cup final between Argentina 🇦🇷 and France 🇫🇷 on Sunday, December 18.
He was also in charge of:
Nov 26: France 🇫🇷 2-1 🇩🇰 Denmark
Dec 3: Argentina 🇦🇷 2-1 🇦🇺 Australia pic.twitter.com/3ltzN9qTUP— Usher Komugisha (@UsherKomugisha) December 15, 2022
Szymon Marciniak ayaa sidoo kale sannadkii 2018, waxa uu ahaa garsoorihii hayay ciyaartii Spanish Super Cup ee Real Madrid ay 4-2 ku garaacday Atletico Madrid, iyadoo kulankaas loosoo xulay inkasta oo uu u dhashay Poland.
FIFA ayaa waxa kale oo ay calanwadeyaasha finalka Koobka Adduunka u magacowday Pawel Sokolnicki iyo Tomasz Listkiewicz.
Kulankii xulka qaranka Argentian iyo Australia ayay ciyaartoyda reer Argentina cabasho ka muujiyeen go’aamadii garsoore Marciniak, taas oo ay u dhowaadeen in Australia ay barbarrayso daqiiqadihii ugu dambeeyey.
Lionel Messi iyo De Paul ayaa isku xeeray garsooraha si ay ugu riixaan inuu kaadh casaan ah siiyo xiddig reer Australia ah oo qalad ku galay difaacooda Romero.
Nimanyahow wixiina taageero waa dhaafeenee