Xulka Ingariiska ayaa kaalinta koowaad uga soo baxay Group B ka dib markii ay 3-0 ku karbaasheen xulka ay deriska yihiin ee Wales kulankoodii ugu danbeeyay ee wareega group-yada.
Labo gool uu dhaliyay Marcus Rashford oo midi ay aheyd laad xor ah iyo gool uu xariiqay Phil Foden ayaa Ingariiska ka caawiyay inay u soo gudbaan wareega 16ka Koobka Adduunka.
England waxay wareega 16ka la ciyaari doontaa xulka qaarada Afrika ee Senegal oo kaalinta labaad uga soo baxay Group A ka dib markii ay maanta ka badiyeen Ecuador.
Ingariiska iyo Senegal waxay isku balansan yihiin maalinta Axada ee 4ta bisha December.
Dhanka kale Mareykanka ayaa isna xaqiijistay u soo bixitaankiisa wareega 16ka Koobka Adduunka ka dib markii ay 1-0 ku dubteen xulka ay cadowga yihiin ee Iiraan.
Gool uu dhaliyay xiddiga Chelsea Christian Pulisic ayaa ka caawiyay USA inay garaacdo Iiraan islamarkaana kaalinta labaad uga soo baxdo Group B.
USA waxay wareega 16ka la ciyaari doonaan xulka Netherlands oo kaalinta koowaad uga soo baxay Group A ka dib markii ay maanta 2-0 ku dubteen xulka martigeliyayaasha ee Qatar.
Netherlands iyo USA waxay isku balansan yihiin maalinta Sabtida ee 3da bisha December.
Kulamada La Xaqiijiyay Ilaa Iyo Haatan Ee Wareega 16ka Koobka Adduunka:
Sabti
Netherlands vs USA
Axad
England vs Senegal