Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

RASMI: Atletico Madrid Oo La Wareegtay Xiddigii Barcelona Ee Memphis Depay

by Abdiwahab Ahmed
January 20, 2023
0
RASMI: Atletico Madrid Oo La Wareegtay Xiddigii Barcelona Ee Memphis Depay

Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexa weeraryahanka reer Netherlands ee Memphis Depay oo ay kala soo wareegeen Barcelona, waxaana uu qalinka ku duugay heshiis soconaya illaa sannadka 2025.

ADVERTISEMENT

Memphis Depay ayaa soo afjaray laba sannadood oo niyad-jab ahaa oo uu kusoo qaatay Barcelona oo uu kursiga kaydka ku jiray, waxaanay Atletico bixisay saddex milyan oo Euro oo kaliya.

Xiddigan hore ee Lyon iyo Manchester United ayaa Atletico Madrid ay heshiiskiisa u dhaqaaqday markii ay ka tageen Cunha iyo Joao Felix oo kooxaha horyaalka horyaalka Premier League ee Wolves iyo Chelsea.

Qandaraaska uu Memphis Depay kula jiray Barcelona oo ku ekaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaa kusoo dhamaaday in uu gool-dhaliyahani doortay inuu u wareego kooxda tababare Diego Simeone oo uu rumaysan yahay inuu ka heli doono fursad ka fiican middii Barcelona.

ADVERTISEMENT

Atletico Madrid ayaa la sheegay in aanay ku koobnaan doonin Depay oo ay hadda u xidh-xidhan doonto Borja Iglesias oo u ciyaara Real Betis, isla markaana dalbaday in la iibiyo bishan January.

Sidoo Kale Akhri

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023
Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxay Wargeysyadu Qoreen Maanta Oo Salaasa Ah

February 7, 2023

Memphis Depay ayaa waxa uu weerarka Atletico Madrid kula biiri doonaa Griezmann, Correa iyo Morata.

ADVERTISEMENT
Share279Tweet175
ADVERTISEMENT

Related Posts

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxay Wargeysyadu Qoreen Maanta Oo Salaasa Ah

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Paris St-Germain ayaa doonaysa saxeexa Bernardo Silva oo u furan inuu Man City ka tago balse waxay tartan kala kulmayaan...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.