RASMI: 11kii Xiddig Ee Todobaadkan Ugu Fiicnaa Champions League Oo La Soo Saaray

UEFA ayaa soo saartay shaxda 11kii xiddig ee todobaadkan ugu fiicnaa wareegii group-yada Champions League ee la ciyaaray Talaadadii iyo Arbacadii.

Goolhayihii todobaadkan ugu fiicnaa waxa uu noqday goolhayaha Sporting Lisbon Antonio Adan kaasoo wacdarro dhigay kulankii ay 2-0 uga badiyeen Tottenham.

Shanta daafac ee todobaadkan ugu fiicnaa Champions League waxay kala yihiin, xiddiga Inter Milan Denzel Dumfries oo shabaqa soo taabtay kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Viktoria Plzen.

Advertisements

Daafaca Man City John Stones ayaa isna ku soo baxay shaxda todobaadka madaama uu dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee kulankii ay City 2-1 uga badisay Borussia Dortmund. Daafaca Liverpool Joel Matip oo isna dhaliyay goolkii guusha ay Liverpool kaga badisay Ajax ayaa shaxda ka soo muuqday si la mid ah daafacyada Bayern Munich iyo Club Brugge ee kala aha Lucas Hernandez yo Bjorn Meijer.

Afarta khadka dhexe waxaa ku soo baxay xiddiga Real Madrid Federico Valverde oo qeyb weyn ka qaatay guushii ay Los Blancos ka gaartay RB Leipzig, waxaa ku wehliya xiddiga Napoli Matteo Politano oo rigoore dhaliyay kulankii ay 3-0 uga badiyeen Rangers.

Waxaa todobaadkan sidoo kale wacdarro dhigay xiddiga Bayer Leverkusen Robert Andrich halka uu shaxda ku soo baxay xiddiga Chelsea Raheem Sterling oo dhaliyay goolka kaliya ee Chelsea ee kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen FC Salzburg.

Xiddiga kaliya ee weerarka ee ku soo baxay shaxda todobaadka waa Ferran Jutglà oo gool iyo caawin isku darsaday kulankii ay Club Brugge 4-0 ku xasuuqday FC Porto.

SHAXDA TODOBAADKA EE CHAMPIONS LEAGUE:

Goolhaye

Antonio Adán (Sporting CP)

Daafac

Denzel Dumfries (Inter)

John Stones (Man City)

Joël Matip (Liverpool)

Lucas Hernández (Bayern)

Bjorn Meijer (Club Brugge)

Khad Dhexe

Federico Valverde (Real Madrid)

Matteo Politano (Napoli)

Robert Andrich (Leverkusen)

Raheem Sterling (Chelsea)

Weerar

Ferran Jutglà (Club Brugge)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada