Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Raphinha Oo Shaaciyey Qaladka Weyn Ee Uu Sameeyey Neymar Oo Dhaawac U Jiifa

by Abdiwahab Ahmed
November 26, 2022
0
Raphinha Oo Shaaciyey Qaladka Weyn Ee Uu Sameeyey Neymar Oo Dhaawac U Jiifa

Xiddiga reer Brazil ee Raphinha ayaa difaacay xiddiga dhaawaca u jiifa ee Neymar Jr oo seegaya kulamada ka hadhsan wareegga group-yada Koobka Adduunka, kaddib markii uu kuraanta lugta midig dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Serbia.

ADVERTISEMENT

Neymar ayaa shalay la xaqiijiyey in uu ka maqnaan doono labada ciyaarood ee Switzerland iyo Cameroon oo ay ku wada jiraan Group G, hase yeeshee waxa la filayaa inuu taam u noqon doono kulamada xiga ee wareegga 16ka haddii uu xulkiisu usoo baxo.

Dhakhtarka xulka qaranka Brazil ayaa xaqiijiyey, in Neymar iyo Danilo ay dhaawacyo isku mid ah ka qabaan kuraanta sidaas darteedna ay la tacaalayaan xaaladdooda, waxaase uu niyaad-samaan ka muujiyey soo laabashadiisa wareegga 16ka.

Raphinha oo kusoo bilowday ciyaartii Serbia ayaa sii weyn u amaanay Neymar, waxaase uu weeraray taageereyaasha xulka qaranka Brazil oo uu sheegay in aanay garab istaagin xiddigoodan, si la mid ah sida ay reer Argentine u garab istaagaan Lionel Messi.

ADVERTISEMENT

“Taageereyaasha Argentina waxay Messi ula dhaqmaan sidii uu yahay boqor, taageereyaasha reer Portugal-na waxay Cristiano Ronaldo ula macaamilaan sida inuu yahay Boqor, laakiin reer Brazil lugaha ayay ka  jabiyaan Neymar, murugo weynaa.” Ayuu yidhi Raphinha oo qoraal ku daabacay bartiisa bulshada.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Raphinha ayaa intaa ku daray: “Qaladka u weyn ee Neymar uu sameeyey waa inuu u dhashay Brazil, waddankiisu uma qalmo hibadiisa oo kale iyo kubaddiisaba.”

Hadalka Raphinha ayaa imanaya iyadoo dad badanay Neymar ugu cadhaysan yihiin inuu si badheedh ah u galay siyaasadda oo uu waliba taageeray Madaxweynihii dhowaanta lagaga adkaaday doorashada ee Jair Bolsonaro oo ay dad badan oo reer Brazil ahi ku tilmaameen cunsuri, isla markaana aan waxba ka qaban xanuunkii COVID-19 oo ay dalkaas ugu geeriyoodeen in ka badan 700,000 qof.

ADVERTISEMENT
Share348Tweet218
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.