Xulka qaranak Brazil ayaa ka walaacsan xaaladda dhaawaca xiddigooda Neymar Jr oo la sheegay inuu halis ugu jiro inuu ka maqnaado inta ka hadhay Koobka Adduunka, isaga oo la dhibaatoonaya dhaawac kuraanta ah oo kasoo gaadhay ciyaartii Serbia ee ay ku bilowdeen Koobka Adduunka.
Neymar ayaa soo bandhigay barbar kuraanta ah, waxaase la tacaalamaya dhakhaatiirta xulka qaranka oo u samaynaya daaweyn.
Brazil ayaa usoo gudubtay wareegga 16ka iyadoo uu Neymar ka maqan yahay, waxaanay Isniintii 1-0 ku garaaceen Switzerland iyadoo uu gool qurux badan u dhaliyey Casemiro.
Sida uu ku warramay wargeyska Mirror ee kasoo baxa Ingiriiska, Neymar Jr ayay aad usii yaraanaysaa fursaddiisa Koobka Adduunka, waxaana suurtogal ah inuu ka maqnaado dhamaan kulamada ka hadhay tartanka, gaar ahaan wareegga 16ka ama siddeedda.
Dhakhaatiirta Brazil ayaa hore u sheegay in Neymar aanu ciyaarayn kulamada uga hadhsanaa wareegga group-yada ee Switzerland oo uu hore uga maqnaaday iyo Cameroon oo ay caawa la ciyaarayaan, hadda se shakigu waxa uu ka taagan yahay wareegga 16ka iyo haddii ay usoo gudbaan wareegga siddeedda.
Neymar oo sidan oo kale dhaawac usoo gaadhay Koobkii Adduunka oo wareeggii siddeeda dhabarka wax ka noqday, ayaa waxa uu seegay ciyaartii uu Jarmalku 7-1 ku xasuuqay Brazil. Sidoo kale, 2018 ayaa uu la dhibaatoonayay dhaawacyo, iyadoo Brazil ay ku hadhay wareegga siddeedda oo ay Belgium kaga adkaatay.