Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa rajadii ay ka qabtay inay ku guuleysanayso horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan waxa soo gaadhay jug weyn, waxaana garoomada ka maqnaan doona xilliga ugu mashquulka badan weeraryahanka ay sida aadka ah ugu tiirsan yihiin ee Gabriel Jesus.
25 jirkan oo ku dhaawacmay ciyaartii xulka qaranka Brazil uu guul-darrada kala kulmay Cameroon ayaa waxa hore loo xaqiijiyey in uu macasalaameeyey tartanka Koobka Adduunka, waxaase baadhitaano dheeraad ah oo lagu sameeyey ay wadne xanuun ku rideen tababare Mikel Arteta iyo jamaahiirta Arsenal.
Gabriel Jesus oo uu dhaawacu kasoo gaadhay jilibka lugta midig, ayaa la sheegay in uu muddo saddex bilood ah ka maqnaan doono garoomada, taas oo ka dhigan in kulamada cidhiidhiga ah ee bilaha January iyo February aanu qayb ka noqon doonin.
Arsenal ayaa ka dalbatay xidhiidhka kubadda cagta Brazil in ay u ogolaadaan in Gabriel Jesus uu dib ugu soo laabto magaalada London, si ay dhakhaatiirta kooxdu u qiimeeyaan xaaladdiisa, waxaana hadda la sheegay in uu weeraryahankani isku diyaarinayo inuu u duulo UK.
Warka naxdinta leh ayaa waxa uu yahay in Gabriel Jesus uu u baahan yahay in qalliin lagaga sameeyo jilibka, taas oo ka dhignaanaysa in ugu yaraan muddo saddex bilood ah uu garoomada ka maqnaado, sidoo kalena marka uu soo laabto ay waqti ku qaadan doonto inuu dib u helo kalsoonida iyo qaab ciyaareedkiisii hore.
Dhaawaca Gabriel Jesus ayaa jug weyn ku ah Arsenal oo hoggaaminaysa horyaalka Premier League, isla markaana ku hamiyeysay inay 20 sannadood kaddib ku guuleysato horyaalka oo ay ugu dambaysay sannadkii 2003.