Cristiano Ronaldo ayaa maanta dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Real Madrid oo uu tababarka ku sameeyey garoonkooda Valdebebas, halkaas oo markii uu tegay uu ka abuurmay qas sababay in ciyaartoyda da’yartu ay sidii loo baahnaa u qaadan waayaan tababarka.
Xiddiga reer Portugal oo wali koox la’aan ah kaddib markii ay Manchester United burburisay heshiiskii ay kula jirtay ayaa waxa uu ka duulay waddanka Qatar markii uu xulkiisu ka hadhay Koobka Adduunka ee ay Morocco kaga adkaatay 1-0.
Real Madrid ayaa fasax u siisay inuu yimaaddo garoonkeeda tababarka sida ay sheegtay warbaahinta Spain, hase yeeshee waxa uu qas ka abuurmay garoonka tababarka iyadoo ciyaartoyda da’yarta ah ay ka jeedsadeen hawl-maalmeedkoodii ahaa inay tababarka qaataan, waxaanay u kala dheereeyeen Cristiano Ronaldo oo ay doonayeen inay la galaan sawirro.
Wariyaha reer Spain ee Jorge Picon ayaa sheegay in ciyaartoyda kulliyadda da’yarta Real Madrid ay dhamaantood doonayeen inay sawirro la galaan Ronaldo maadaama uu yahay halyeyga ugu goolasha badan taariikhda Real Madrid oo 438 kulan oo uu u saftay uu u dhaliyey 450 gool iyo 131 kale oo uu caawiye ka noqday.
Ronaldo oo sannadkii 2018 ay Real Madrid €117 milyan oo Gini kaga iibisay Juventus ayaanu wali mustaqbalkiisu saldhigin, waxaana uu dhowaan beeniyey dalab la sheegay inuu ka helay kooxda reer Saudi Arabia ee Al-Nassr FC oo u bandhigtay qandaraas laba sannadood iyo badh ah oo uu ku helayo €700 milyan oo Euro.