Cristiano Ronaldo ayaa heshiis saddex sano 186 Milyan oo pound ah ka helay kooxda ree Saudi Arabia ee Al Nassr. (CBS)
Bayern Munich ayaa ku biirtay tartanka khadka dhexe ee West Ham United ee Declan Rice. (El Nacional, via Fichajes – in Spanish)
Tottenham ayaan wali wadahadal heshiis kordhin la furin Harry Kane oo heshiiskiisa haatan 2024 ku eeg yahay, Spurs ayay tahay inay heshiis aan caadi ahayn u bandhigaan 29 sano jirkaas si ay usii haystaan. (Football Insider)
Tababare Erik Ten Hag ayaa Man United suuqa January weydiistay bedelka Ronaldo, Cody Gakpo oo PSV ka tirsan iyo garabka AC Milan ee Rafael Leao ayaa kamida xiddigaha liiskooda ku jira. (ESPN)
Liverpool ayaa diyaar u ah inay lacag badan suuqa January ku bixiso walow ay maamulka kooxdaasi iibka kooxda isku diyaarinayaan. (Football Insider)
Manchester United ayaa dib uga dhacday tartanka loogu jiro khadka dhexe ee Jude Bellingham oo qayb ka ah Borussia Dortmund. (Sky Sports Germany)
Barcelona da’yarkeeda Alejandro Balde ayaa Man United u doortay kooxda aan Barca ahayn ee uu jecel yahay inuu u ciyaaro. (Mundo Deportivo on TikTok – in Spanish)
Tottenham ayaa ka fikiraysa inay u dhaqaaqdo khadka dhexe ee Juventus iyo Maraykanka ee Weston McKennie kaddib koobka aduunka. (CBS, via Express)
West Ham iyo Everton ayaa ku biiray tartanka 18 sano jirka weeraryahanka kooxda Chicago Fire ee Jhon Duran oo ay Man United iyo Liverpool dhinacooda ka xiisaynayaan. (Sun)
Leeds United, Everton, West Ham iyo Leicester ayaa kamida kooxaha xiisaynaya weeraryahan Dia oo haatan amaah ugu maqan Salernitana balse asal ahaan ka tirsan Villarreal. (CBS)
Leicester, Brighton iyo Nottingham ayaa doonaya saxeexa khadka dhexe ee kooxda Huddersfield ee Etienne Camara. (Sun)