Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa in ay awood u leedahay in ay dib usoo ceshato oo ay lasoo wareegto kabtanka kooxda Arsenal ee Martin Odegaard oo ay qodob cajiib ah ku dartay heshiiskii ay la gashay Arsenal ee ay ku iibisay.
Kooxda reer Spain ayaa January 2021 waxay ogolaatay inay Martin Odegaard si rasmi ah uga iibiso Arsenal oo uu hore amaah ugu soo ciyaaray, waxase heshiiska lagu daray qodob hadda la ogaaday oo Real Madrid siinaya inay fursad u haysato inay dib ula saxeexan karto.
Martin Odegaard oo Real Madrid ay isaga oo 15 jir ah soo iibsatay ayaa kusoo barbaaray kulliyadda La Fabrica, ka hor intii aanu soo dallacin, waxase uu fursad ka waayay naadiiga oo qaab-ciyaareedkiisana saluug ka muujiyey, sidaas ayaana amaah kaddib ay rasmi ahaan ugaga iibisay Gunners.
Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Ramon Alvarez de Mon, Real Madrid iskama aanay ogolaanin in xiddiga reer Norway ay kaliya lacag ku beddelato oo uu sidaa iskaga tago, hase yeeshee waxay ka fikirtay mustaqbalka iyo sidii ay dib ugu soo ceshan lahaayeen.
Heshiiskii labada kooxood ayay Los Blancos ku dartay qodob dhigaya in ay noqoto kooxda koowaad ee ay Arsenal usoo bandhigto inay iibsato, haddiiba ay go’aansato inay ka dirto oo ay iibiso.
Alvarez de Mor ayaa intaa ku daray, in Real Madrid aanu qorshaha ugu jirin inay dib usoo iibsato Martin Odegaard, hase yeeshee ay fursad fiican u haystaan haddii go’aanka iibku ka yimaaddo dhinaca Arsenal.
Wariyaha ayaa sidoo kael sheegay, in Real Madrid ay waqtigan u heellan tahay sidii ay kula saxeexan lahayd xiddiga reer England ee JudeBellingham oo ay kula tartamayaan Chelsea, Manchester City iyo Liverpool.
Si kastaba ha ahaatee, Martin Odegaard ayaa 80 ciyaarood oo uu u saftay Arsenal waxa uu u dhaliyey 15 gool iyo 11 uu caawiye ka noqday.