Lionel Messi, Ronaldo, Serena Williams, Rafael Nadal, Tyson Fury iyo Tiger Woods waxay mar walba ahaan doonaan ciyaartoyga lagu xasuusan doono taariikhda ciyaaraha kala duwan, waxaanay magacyadoodu ka muuqan doonaan sheekooyinka mustaqbalka iyo kuwa hadda.
Xataa marka laga sheekaynayo qarnigii hore ee 20aad, midkoodana kama maqnaado, waxaanay noqdaan raad-raac iyo kuwo la xuso oo tusaale looga sii qaato sababtoo ah wixii ay ka sameeyeen garoomada ayaan xasuusta ka go’ayn.
Dhamaantood waxay ka habsaameen liiska xiddigo qaali ahaa oo dunida sumcad badan kaga tegay, kuwaas oo iskugu jira ciyaartooyo geeriyooday iyo kuwa wali nool oo qarnigii 20aad wacdaro ka dhigay.
Qiimayn la sameeyey ayaa waxa lagu soo bandhigay 50kii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa dunida qarnigii 20ad, laakiin kuma koobna kubadda cagta oo kaliya waxaanay ka kooban yihiin tartamada kala duwan ee dunida, sida kubadda cagta, kubadda kolayga, feedhka iyo tartamada kale.
Kaalinta koowaad waxa ku jira halyeyga Brazil ee Pele, balse Diego Maradona ayaa u dhacay kaalinta saddexaad waxaana booska ka cidhiidhsaday Michael Jordan oo loo aqoonsan yahay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda kolayga ee horyaalka Maraykanka ee NBA-da.
Tobanka sare, waxa kubadda cagtu ay ku yeesheen saddex ciyaartoy oo kaliya, waxaana Pele iyo Diego Maradona soo raaca halyeygii reer Netherlands ee Johan Cruyff.
Halkan kaga bogo 50kii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa qarniga 20aad.
50) Don Bradman (Cricket)
49) Giacomo Agostini (Motorcycle road racing)
48) Ferenc Puskás (Football)
47) Rocky Marciano (Boxing)
46) Jan-Ove Waldner (Table tennis)
45) Bjorn Dæhlie (Cross-country skiing)
44) Steve Redgrave (Rowing)
43) Kristin Otto (Swimming)
42) Sergey Bubka (Athletics)
41) Emil Zatopek (Athletics)
40) Holger Nielsen (Fencing)
39) Björn Borg (Tennis)
38) Magic Johnson (Basketball)
37) Fanny Blankers-Koen (Athletics)
36) Bo Jackson (Baseball and American football)
35) Margaret Court (Tennis)
34) Olivér Halassy (Water polo)
33) Kareem Abdul-Jabbar (Basketball)
32) Dezso Gyarmati (Waterpolo)
31) Martina Navratilova (Tennis)
30) Alfredo di Stéfano (Football)
29) Juan Manuel Fangio (Formula One)
28) Jackie Joyner-Kersee (Athletics)
27) Ray Ewry (Athletics)
26) Nikolai Andrianov (Gymnastics)
25) Paavo Nurmi (Athletics)
24) Larisa Latynina (Gymnastics)
23) Jackie Robinson (Baseball)
22) Babe Didrikson Zaharias (Multi-sports)
21) Mark Spitz (Swimming)
20) Naim Süleymanoğlu (Weightlifting)
19) Carl Lewis (Athletics)
18) Billie Jean King (Tennis)
17) Aleksandr Karelin (Wrestling)
16) Ayrton Senna (Formula One)
15) Nadia Comaneci (Gymnastics)
14) Florence Griffith Joyner (Athletics)
13) Jesse Owens (Athletics)
12) Vasily Alekseyev (Weightlifting)
11) Muhammad Ali (Boxing)
10) Pete Sampras (Tennis)
9) Johan Cruyff (Football)
8) Jim Thorpe (Athletics)
7) Jim Brown (American football)
6) Wilt Chamberlain (Basketball)
5) Wayne Gretzky (Ice hockey)
4) Babe Ruth (Baseball)
3) Diego Maradona (Football)
2) Michael Jordan (Basketball)
1) Pele (Football)