Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Qatar Oo Qabatay Maandooriyeyaal, Daawooyinka La Isku Duro Ee Tramadol Iyo Xashiishado Dalkeeda Lasoo Gelinayay

by Abdiwahab Ahmed
November 21, 2022
0
Qatar Oo Qabatay Maandooriyeyaal, Daawooyinka La Isku Duro Ee Tramadol Iyo Xashiishado Dalkeeda Lasoo Gelinayay

Waddanka martigelinaya Koobka Adduunka ee Qatar ayaa shaaciyey inay gacan ku dhigeen oo ay qabteen maandooriyeyaal dalkaas lasoo geliyey oo la doonayay in taageereyaashu ay isticmaalaan, kaddib markii la mamnuucay in waddankaas lagu dhax isticmaalo khamriga iyo maandooriyeyaasha kale.

ADVERTISEMENT

Garoonka diyaaradaha ee Hamad International Airport, qaybtiisa kastamada ayaa waxay sheegtay, inay qabatay kiniinka loo isticmaalo xanuun baabi’iyaha ee Tramadol oo ay tiradiisu gaadhayso illaa 1990 xabbo oo kiniin ah iyo sidoo kale xashiishad caddadkeedu dhan yahay 464.5 kiiloo garaam,

Dawladdu ma sheegin halka uu ka yimid iyo cidda sidatay maandooriyeyaashan, hase yeeshee waxa war qoraal ah oo lagu baahiyey Twitter-ka lagu sheegay in maandooriyeyaashan laga soo dejiyey garoonka oo ay qabteen.

Warka ayaa intaa ku daray, in waaxda kastamyadu ay ka shakiyeen qof rakaab ah oo ay baadhitaan ku sameeyeen shandadihiisa, kaddibna ay ka heleen waxyaabahan mamnuuca ah.

ADVERTISEMENT

Shaqsiga rakaabka ah oo aan lasoo bandhigin magaciisa iyo waddanka uu u dhashay ayay Qatar sheegtay inay maxkamadda hor geyn doono maadaama uu meel kaga dhacay shuruucda waddanka iyo caqiidooyinka Islaamka ee seeska u ah sharciyada dalkaas.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Kiniinka Tramdol ee loo isticmaalo xanuun baabi’iyaha oo ay dhallinyarada qaarkood siyaabo qaldan u qaataan oo ay ku sakhraamaan ayaa waxa sannadka 2024 ay hay’adda la dagaallanka maandooriyeyaasha ee dhinaca ciyaaruhu ay ku dari doontaa waxyaabaha ka mamnuuca ah ciyaartoyda ee aanay isticmaali karin xataa marka ay xanuunsanayaan, haddii ay dhacdana ay ku mutaysan doonaan ganaax waqti dheer ah oo ay garoomada kaga maqnaan doonaan.

Goolhayihii hore ee Liverpool ee Chris Kirkland ayaa sannadkii hore waraysi uu bixiyey waxa uu ku sheegay inuu ku sigtay inuu geeriyoodo markii uu isticmaalay daawada Tramadol oo ka badan tankiisii ama intii loogu talo-galay.

ADVERTISEMENT
Share314Tweet196
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.