Xulka qaranka Qatar ayaa guul-darro xanuun kulul ku bilowday Koobka Adduunka ee ay martigelinayaan, waxaana 2-0 ku karbaashtay Ecuador oo garoonka quruxda badan ee Al Bayt Stadium dhax jiid-jiidday.
Qatar ayaa nasiib badan lahayd haddii ay ciyaartu kaga dhamaatay laba gool oo kaliya, sababtoo ah waxay qaybtii horeba ogolaadeen in Ecuador ay saddex jeer shabaqooda soo taabato, balse mid ka mid ah ayay VAR meesha ka saartay markii la xaqiijiyey inuu offside jiray.
Laba gool oo midkood rikoodhe ahaa oo qaybtii hore uu dhaliyey Enner Valencia ayaa Ecuador ugu filnaaday inay guul weyn ku furtaan Koobka Adduunka iyaga oo noqday dalkii ugu horreeyey ee saddex dhibcood ka keenay Koobka Adduunka ee sannadkan.
Martigeliyeyaasha ayaa si kala daadsan ku bilowday ciyaarta, waxaanay awoodi waayeen in ay xataa kubbadaha isku dhiibaan amaba ay qaarkood maamulaan kubadda lugtooda soo gelaysa.
Daqiiqaddii shanaad ayay Ecuador la timid gool qurux badan oo uu madax ugu dhaliyey Valencia, iyadoo goolhaye Al Sheeb uu sameeyey qalad xun oo uu goolka iskaga soo baxay isla markaana doontay kubbad laad xor ahayd oo halisteeda lahayd oo uu isku dayay inuu ka boobo ciyaartoyda kale, balse la cidhiidhiyey. Torre ayaa u laaday Valencia oo isaguna madax ku qabtay oo goolka oo madhan ku hubsaday.
Dabbaal-deg kaddib waxa meesha soo gashay VAR oo goolka diidday, kaddib markii la xaqiijiyey in offside muran badan ku jiray lagu qaaday Ecuadcor, taas oo u baahatay in xataa warbaahintu ay sharrixi kari waayaan sida ay wax u dhaceen.
Rikoodhe ayaa loo dhigay Ecuador daqiiqaddii 15aad, kaddib markii uu goolhaye Al Sheeb lugta qabtay Mendes oo kubbad ka helay Estrada, waxaana rikoodhahaas gool u beddelay Enner Valencia oo sidaas ku saxeexay goolka furitaanka Koobka Adduunka oo aanu muran ku jirin, halka goolhahayaha xulka qaranka Qatar uu noqday ciyaartoygii koowaad ee kaadh digniin ah laga siiyo Koobka Adduunka sannadkan, iyo goolhayaha laga dhaliyey goolkii koowaad.
Qatar ayaa sii burburtay markii goolkan laga dhaliyey iyadoo marka horeba aanay kubaddoodu fiicnayn, waxaanay miciinsadeen qaladaad ay ku galayeen ciyaartoyda Ecuador iyadoo sidoo kalena ay kubbadaha u dhiibayeen ciyaartoyda kasoo horjeedda.
Ecuador ayaa sii dheeraysatay hoggaanka daqiiqaddii 31aad, waxaana mar kale gool u dhaliyey Enner Valencia oo madax ku dhamaystiray kubbad uu ka helay Angelo Preciado.
Fursaddii ugu fiicnayd ee Qatar ayaa timid waxyar ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, iyadoo kubbad uu dhinaca midig ka keenay Al Haydos uu madaxa la seegay Almoez Ali.
Qaybta dambe Qatar waa ay dhaantay sidii hore, waxaanay kubadda la qabsadeen Ecuador iyadoo darbad xooggan uu Muntari birta dul-mariyey.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Ecuador, halka dalka martigelinaya ee Qatar ay khasaarihii koowaad kasoo hooyeen tartanka.