Xulka Belgium-ka ayuu jiilkiisii dahabiga ahaa ee mar soo wada kacay u muuqdaa mid fursadiisii ugu dambaysay ee koob weyn ah iska dayacaya xilli uu qalalaase ka dhex taagan yahay qolka labiska xulkaas.
Kulankoodii koowaad ayay guul dirqi ah oo 1-0 ah ka gaadheen xulka Canada kahor inta aysan ciyaartii labaad guuldarro kala kulmin Morocco, kulankooda ugu dambeeya ayay la ballsan yihiin Croatia.
Kahor kulankaas ay Morocco ka adkaatay ayuu khadka dhexe ee dalkaas ee Kevin De Bruyne dhaliil lama filaan ah u jeediyay xulkiisa isagoo sheegay inaysan gabi ahaanba wax fursad ah u haysan ku guuleysiga koobka aduunka maadaama oo ay da’ ahaan aad usii gaboobayaan.
Kaddib kulankii ay Morocco ka badisay ayuu daafaca dhexe ee dalkaas ee Jan Vertonghen oo u muuqday mid aan la dhicin hadalkii De Bruyne yidhi “Malaha sidoo kale si xun ayaanu u weerartanaa maadaama oo aanu da’ weyn nahay”.
Sida lagu sheegay il-wareedka Belgium laga leeyahay ee RTL, hadaladaas ayaa isku dhac qolka labiska dhexdiisa ah ka dhex sababay De Bruyne, Vertonghen iyo Eden Hazard iyadoo uu kala dhex galay xaaladana ka odayeeyay Romelu Lukaku.
De Bruyne ayaa ah ciyaartoyda ay aad u dhaliishay saxaafada Belgium kaddib markii ay soo baxeen muuqaalo iyo sawiro kahor kulankii Morocco ah kuwaas oo muujinaya inuusan maskaxiyan jooginba oo uu maqan yahay.