Shan ciyaartoy oo ka tirsan xulka qaranka Belgium ayaa abuuray qalalaase kale, waxaanay qaateen go’aan dabka kusii shidaya khilaafkii ragaadiyey xulka qaranka dalkaas ee sababay inay Koobka Adduunka kaga hadhaan wareegga koowaad ee group-yada.
Belgium oo ka mid ahayd dalalka loo saadaalinayay Koobka Adduunka ayaa ka hadhay tartanka markii ay Khamiistii barbarro 0-0 ah la gashay Croatia, iyadoo Romelu Lukaku uu ka khasaariyey afar fursadood oo goolal ahaa.
Group F ayaa waxa kasoo wada baxay Morocco iyo Croatia, waxaana markiiba shaaciyey inuu shaqada ka tegay tababare Roberto Martinez, balse tiro ciyaartooyo ah ayaa iyaguna qaaday tallaabo sii kala fogeynaysa ciyaartoyda oo marka horeba la sheegay inuu u dhexeeyey khilaaf inta badan ka imanayay Kevin De Bruyne.
Sida uu qoray wargeyska Het Laatste Nieuws ee kasoo baxa dalkaas, shan ciyaartoy ayaa kalidood goostay tigidho diyaaradeed, waxaanay si gaar-gaar ah uga baxayaan Qatar halkii ay ahayd in iyadoo ciyaartoydu isku duuban yihiin ay hal diyaarad ugu laabtaan dalkooda.
Thomas Meunier, Axel Witsel, Jeremy Doku, Arthur Theate iyo Lois Openda ayaa laa sheegay in ay tigidho gaar ah goosteen oo ay u duuleen magaalada Brussels iyadoo ciyaartoydii kale ay wali ku sugan yihiin waddanka Qatar.
Xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne oo ay isku dhaceen Toby Alderweireld kulankii Canada, isla markaana ay saxaafadda isku weerareen Jan Vertonghem iyo Eden Hazard kaddib ciyaartii Morocco, ayaa waxa la sheegay in ay iyagu wali ku sugan yihiin Qatar oo ay sugayaan diyaaradda ay ciyaartoyda xulka.