Franck Kessie ayaa ku dhibtooday inuu wakhti ciyaareed joogto ah ka helo Barcelona tan iyo markii uu sida xorta ah AC Milan ugaga soo biiray suuqii xagaaga.
Kessie ayay kooxdu saxeex weyn u arkaysay markii uu kusoo biiray balse fursadaha uu ka helay tababare Xavi Hernandez ayaa ah kuwo aad u xadidan.
Sergio Busquets, Pedri, De Jong iyo Gavi ayaa dhammaantood ka horreeya Kessie wuxuuna inta ugu badan kulamada ku yimaadaa bedel.
Franck ayaa kulankii ugu dambeeyay ee ay Barcelona la ciyaartay Real Betis afar dhammaadka Spanish Supercopa soo galay isagoo rigoorihiisa dhashaday.
Kessi ayaa lala xidhiidhinayaa heshiis uu degdeg ugaga tagayo Barcelona oo uu ugu laabanayo horyaalka Talyaaniga si lamid ah horyaalka Premier Leageu.
Kooxda lala xidhiidhinayo ayaa ah Inter Milan oo ay cadaawadi kala dhaxayso kooxdii uu sanadkii hore horyaalka lasoo qaaday ee AC Milan.
Dhawaan ayay ahayd markii saxafiga weyn ee Gianluca Di Marzio uu daboolka ka qaaday in Barca saxeexiisa u bandhigtay Inter iyadoo kaga doonaysa khadka dhexee ee Marcelo Brozovic oo kamida xiddigaha ugu muhiimsan Nerazzuri.