DEG-DEG: Kylian Mbappe Oo Go’aankiisii Ugu Dambeeyay Farta Ka Saaray PSG & Real Madrid Oo Xog Culus Heshay

Da’yarka kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka qaranka France ee Kylian Mbappe ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aanka mustaqbalkiisa farta ka saaray kooxdiisa xilli heshiiska uu ku joogo Parc des Princes kaliya hal sano ka hadhay.

Mbappe ayaa qaabkii ugu qalbi jabsanaa ee ugu macquulsanaa kusoo dhammaystay tartanka haatan soconaya ee qaramada Yurub kaddib markii uu sabab u noqday in France ay ka hadhaan tartanka isagoo aan wax gool ah ku lug yeelan afar kulan.

Mbappé: 'Move mountains'

Kooxaha lala xidhiidhinayo Kylian ayay ugu cad-cadahay kooxda ree Spain ee Real Madrid taas oo dhawaan ilo lagu kalsoon yahay ay sheegeen inaysan saxeexiisa isku dayi doonin xagaagan oo ay u arkaan wax aan macquul ahayn.

PSG ayaa si adag iskugu dayaysay inay heshiis cusub ka kordhisato 22 sano jirkaas iyadoo ay xogaha qaar sheegayeen inuu madaxweynaha kooxdaas ee Nasser El Khelaifi uu si shaqsiyan ah xil iskaga saaray arrintaas.

Haddaba, sida uu hadda sheegayo wargeyska xog ogaalka ka ah dalka France ee L’Equipe, Kylian Mbappe ayaa si cad ugu sheegay Paris Saint-Germain inuusan doonayn inuu wax heshiis ah oo cusub saxeexo taas bedelkeedana uu dhammaysan doono qandaraaskiisa halka sano ka hadhay.

Los Blancos ayaa la filayaa inay xagaaga dambe qaab bilaash ah kula saxeexdaan Mbappe maadaama oo aysan PSG marnaba ogolaan doonin inay qiimo jaban xataa ku iibiso xagaagan haddii uu kusii adkaysto inuusan wax heshiis kordhin ah samayn.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

  1. Qoraalada iska hagaajiya fadlan Isagoonan 4ta kulan waxba ku lug yeelan markad leedihiin Goolasha la dhaliyey midka pogba iyo midka Hummels iska dhaliyey mooyee waxa kale oo dhan qayb buu ka ahaa. Lkn sidii laga filayey ma noqon waa ok. Lkn kuma lug lahayn afsomali ma aha xaqiiqona ma aha.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*