Arsenal Oo Tartanka Ramos Kusoo Biirtay, Liverpool Oo Weeraryahan Iibisay & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Arsenal heshiiska ay kula wareegayso daafaca Brighton ee Ben White ayay kaliya in la dhammaystiraa ka hadhsan tahay walow ay 23 sano jirkaas xiiso u muujiyeen Man City iyo Everton. (Football London)

Manchester United ayaa Tottenham iyo Arsenal kafa farxisay inay qaboojisay xiisaha ay u qabtay 22 sano jirka daafaca dhexe ee Sevilla ee Joules Kounde oo ay diirada saarayaan Raphael Varane oo Real Madrid ka tirsan. (Dean Jones via Express)

Wargaysyada

Man United ayaa ka fikiraysa inay Paul Pogba heshiis ugu bandhigto Real Madrid oo ay bedelkiisa Varane kasoo qaadato. (AS)

Arsenal ayaa soo gashay tartanka Sergio Ramos waxaana ay u sheegeen wakiilada xiddigaas in xaaladiisa lala soo socodsiiyo haddii ay wax kasoo kordhaan wadahadalada uu PSG kula jiro. (Goal)

Ramos ayaa diiday dalab uu mushahar ahaan 10 Milyan oo pound sanadkii kaga qaadan lahaa Man United waxaana uu hadda ku biirayaa PSG. (Mirror)

David De Gea ayay ka go’antahay inuu sii joogo Man United isaga oo doonaya inuu ku tartamo booskiis walow uu dhawaan kooxda kusoo laabtay Tom Heaton oo 35 sano jir ahi. (Times – subscription required)

Manchester United ayaa isku diyaarinaysa inay 26 Milyan oo pound ka bixiso Marcelo Brozovic oo Inter Milan ka tirsan balse Barcelona ayay tartan kala kulmi kartaa. (La Repubblica, via Star)

Tababaraha cusub ee Tottenham ee Nuno Espirito Santo ayaa doonaya inuu weeraryahan Harry Kane la kulmo kahor inta uusan fasaxiisa xagaaga galin weeraryahankaas bixitaanka doonayaa. (ESPN)

Toby Alderweireld ayaa u sheegay Tottenham inuu kooxda ka tagayo lamana filayo inay hor istaagaan haddii ay dalab macquul ah u helaan. (Athletic – subscription required)

Arsenal ayaa si dhaw ula socota khadka dhexe ee kooxda Sheffield United ee Sander Berge balse loolan kala kulmaysa Liverpool, Lazio iyo Napoli. (Sun)

Daafaca Arsenal ee William Saliba oo ay sidoo kale doonayeen Lille iyo Newcastle United ayaa qaab amaah ah ugu biiraya Marseille. (Athletic – subscription required)

Arsenal ayaa ku dhaw inay shaaciso saxeexa 21 sano jirka daafaca bidix ee Nuno Tavares kaas oo usoo duulay London kagana imanaya dhinaca kooxda Benfica. (Sun)

Sassuolo ayaa rajaynaysa inay garabkeeda weerar ee Berardi sii haysato sida uu sheegay madaxa kooxdaas ee Giovanni Carnevali walow uu xiiso ka helay Tottenham iyo Liverpool. (Radio 24, via Goal)

Tottenham ayaa furtay wadahadalada ay ku doonayso daafaca ree Japan iyo kooxda Bologna ee Takehiro Tomiyasu. (Football London)

Manchester United ayaa soo af-meertay dedaaladii ay ugu jirtay saxeexa Ousmane Dembele. (Sport – in Spanish)

Chelsea ayaa la filayaa inay dalab ka gudbiso 34 sano jirka Wayne Hennessey kaas oo heshiiskiisii Crystal Palace uu dhacay bishii hore. (Express)

Weeraryahanka Liverpool ee ree Canada ee Liam Millar ayaa kooxda FC Basel heshiis 1.3 Milyan pound ah ugu biiraya.(Goal)

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

2 Fekradood

  1. Warka aad soo gudinaysan maxaa ka reebay liverpool
    Wararka suuqa weli sii shacabka uguma hagar baxadan Beer yahan dambe

  2. liverpool iida waba kama iibsaneyso suuqa miyaa ama idii ka yaa qariyaa oo aan nosootabinin warar ku saabsan liverpool

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*